4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
Saylici oo ka Hadlay Shirkad la Sheegay in lagu Wareejinayo Badda Somaliland

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka hadlay shirkad ay dawlada Soomaaliya sheegtay inay ku wareejinayso badda Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in hadalkaasi ka soo baxay madaxda Soomaaliya ee ay doonayaan inay isku daraan badda Somaliland iyo Soomaaliya ay tahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana aan suurogal ahayn.

“Sheegashada Reer Somalia maanta sheeganayaan Somaliland, maaha mid wax ka jiraan. Hawada Somaliland iyo Badda Somaliland na cid aanu Gor-gortan kala galayno ma jirto, waxaa maamulanaya oo u madaxbanaan Dawladda Somaliland iyo dadkeeda.Cidkasta oo heshiis lagula galayna waxaanu uga digaynaa inaanay u arag in Heshiiskaasi yahay mid khuseeya Somaliland iyo Xuduudaheeda oo ah sidii Gumaystihii Africa qaybiyay kaga tagay.”ayuu yidh Saylici oo warbaahinta la hadlayay.

“Cid kasta oo heshiis kula gashay Magaca Somalia Xuduud baddeed ama Hawo waxay ku eekaanaysaa intii Somalia la odhan jiray ee Talyaanigu gumaysan jiray. Sidaasi darteed horena waanu u cadaynay, iyadoo todobaadkii hore Golaha wasiiradu go’aan ka soo saaray, inaanay na khusayn heshiis kasta oo Somalia gashay. Waxaanu Madaxweynaha Somalia leenahay haddii aad ugu faanayso Baarlamaankaaga oo aad iska dhigayso mid wax qabtay, waxay ku eegtahay uun intaad xukunto, iyadoon ogahayba inaanay jirin inbadan oo dalka uu xukumaa, laakiin arintaas wax Somaliland ka quseeyaa ma jiro.”ayuu raaciyey hadalkiisa isagoo u jawaabayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu shirkad ku wareeijnayo ilaalinaysa Badda Soomaaliya.

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan Cabdi, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin in xeebaha Somaliland Xayawaanka laga tahriibiyo iyo inay dayacanyihiin toonna.

Hadalka Taliyaha Xeebaha ayaa ka dambeeyay, warar warbaahintu baahisay oo sheegayay Ugaadh si Kootara baan ah looga dhoofiyo Xeebaha Somaliland. Waxa uu sheegay inaan Ciidanku meel kasta taagnayn, hase ahaatee aanay suuro gal ahayn in Kootara baan badan laga dhoofiyo badda Somaliland.

“Awal hore Ciidankayguna wuu yaraa, Qalabkayaguna wuu yaraa,laakiin maanta labaduba way noo kordheen, sidaas darteed maanta oo qalabkii noo kordhay mid cusubna aanu filayno waxaan filayaa inaanu ka adag nahay Hawshayada. Mida kale idinkaa makhraati ka ah oo badda hawsheedu way faro badan tahay, waxa ka mid ah Cawgan Budhcad baddeedka ee Dalkan aynu jaarka nahay inagaga soo butaacay, wali ma jiro hawl gal kaliya oo u hir galay”ayuu yidhi taliyaha Ilaadda Xeebaha Somalialnd Axmed Aw Cismaan.

Taliyaha ayaa sheegay inaanay jirin Kiis kaliya oo ka dhacay Badda Somaliland oo dhinaca budhcad baddeda ah “ Baddeena, Markab kaliya oo la inaga kaxaystay ma jiro, Biyaheena wax laga kaxaystay ma jiraan. Waayo? Maciishadeena iyo Nolosheenu sidan ba ma ahaateen, sababtoo ah Dibadda ayaynu ku noolahay oo Dekadaasi way inaga xidhmi lahayd.  Taas Macnaheedu maaha la inooma iman, ee waa la inoo yimid oo Xabsiyadeena waxaa ku jira, Boqol iyo saa’id Budhcad badeed ah, dee Ciidamada ayaa qabtay, waa la inagu soo duulay, waa la isku keen dayay, laakiinse Ciidanka Badda ayaa hawshiisii gutay, Illaahayna ku gargaaray, Dawladda iyo Ciidankuba waajibkoodii ayay ka qabsadeen”. 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland