4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
AMISOM oo sheegtay inay burburisay xarumo ciidan oo ay Al-shabaab lahayd

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ayay shalay oo Khamiis ahayd ay ku qabsadeen saldhig ay Al-shabaab ciidamada ku tababaran jireen oo ku yaalla deegaanka Khadiijo Xaaji oo 65-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

AMISOM ayaa sheegtay in Al-shabaab ay u isticmaali jireen saldhiggan goob ay ku dhuuntaan, tababarro ku siiyaan xoogaggooda ayna mararka qaarkood kasoo abaabulaan weerarrada ay ku qaadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Sidoo kale AMISOM ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku xustay in ciidamadooda ku sugan Kismaayo ay howlgal ka fuliyeen Arbacadii lasoo dhaafay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyagoo burburiyay saldhig uu saad u yaallay Al-shabaab, dhowr ka mid ah dagaalyahannadoodana ay ku dhaawaceen. Iyadoo AMISOM aysan sheegin qaabka ay howlgalkan u fuliyeen.

War-saxaafadeedka ayaa dhanka kale lagu sheegay in toddobaadkii hore ay ku dileen deegaanka 10-km u jira degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan laba sarkaal oo Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo magcyadooda ay ku kala sheegeen, Ciise Maxamed Dhoorre oo ahaa mas’uulka Al-shabaab ee dhanka dagaalyahannada ajnabiga ah iyo turjubaan ayna aad isugu dhawaayeen hoggaamiyaha Al-shabaab iyo Shariif Cameey oo isaguna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

“Howlgalka lagu dilay labadan sarkaal waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyagoo ku weeraray goob ay kulan ku lahaayeen xubnahan iyo mas’uuliyiin kale,” ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Ugu dambeyn, AMISOM waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciidamadooda oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya inay sii wadaan howlgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab, si ammaanka Somalia dib loogu soo celiyo.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ay ku beeninayso ama ku xaqiijinayso warka ay AMISOM, ku sheegtay inay ku burburisay saldhiyo ay lahayd Al-shabaab ayna ku dileen laba sarkaal oo xoogaggooda ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya