4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
FARMAAJO: “Sida looga adkaan karo Al-shabaab waa in shacabka la kasbado

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in sida keliya ee Al-shabaab looga adkaan karo ay tahay in shacabka la kasbado, isagoo cambaareeyay dilalka Muqdisho loogu geysanayo xubnaha dowladda iyo shacabka.

Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka una warramayay idaacad ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa uga digay madaxda dowladda Somalia inay cabsi-geliyaan shacabka, dambiyada ay Shabaabku galayaanna dusha ka saaraan dad aan wax lug ah ku lahayn.

“Madaxda dowladda waxaan leeyahay sida keliya ee Al-shabaab looga adkaan karo waa in shacabka la kasbado oo shacabku uu la shaqeynayo dowladda, waxaana kula talinayaa madaxda dowladda inay xoogga saaraan sidii ay u kasban lahaayeen shacabka. Haddii aysan awoodin inay shacabka kasbadaanna waa inay xal kale keenaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa sheegay inuu dhawaanahan maqalayay hadallo kasoo yeeraya madaxda dowladda oo ah inay jiraan shirkado taageero u fidiya Al-shabaab, isagoo xusay in madaxda dowladda aysan hadalkaas ku fududaan haddii aysan arrintaas xaqiiqo cad u hayn.

“Al-shabaab iyaga ayaa sheegta dhibaatada ka dhacaysa Muqdisho, waan in iyaga loo daayo inay yihiin kuwa dadka laaya, caruurrta iyo dumarkana dila, laakiin aan loo saarin dhibka ay geysanayaan aan dad kale loo saarin oo aan dadka lagu abuurin baqdin kale,” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa xildhibaannada ku boorriyay inaysan baqdin gelin dilalka loo geysanayo ee ay halkeeda kasii wadaan howlaha ay u hayaan Qaranka iyo shacabka Soomaliyeed.

“Xildhibaannada baarlmaanka waxaan kula dardaarmayaa laba arrimood oo midda hore ay tahay inaysan baqin oo aysan yeelin sida ay Al-shabaabku doonayaan oo ah inay baqaan oo ay dalka ka cararaan, howsha ay dadka iyo dalka u hayaanna faraha kala baxaan. Tan labaad waxay tahay inay u soo jeestaan inay ka shaqeeyan danta guud oo ay meel iska dhigaan danta gaarka ayna la xisaabtamaan hoggaankooda,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Isagoo kasii hadlayay isla arrintan ayuu mar kale yiri: “Xildhibaannada waa inay Qaranka badbaadiyaan oo aysan badbaadin shaqsi. Badbaadada Qaranka waxay ku jirtaa iyagoo wax walba ka eegaya dhinaca xaqa ah.”

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadalkiisan kusoo beegmay xilli ay Al-shabaab qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysanayaan Muqdisho iyo iyadoo maalin ka hor kooxo hubeysan ay ku dileen toogasho marxuumad Saado Cali Warsame iyo darawalkeedii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya