4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 25, 2014
MUUN-GAAB: Amniga Muqdisho waa in wax laga weydiiyo hay’adaha amniga

Jimco, July 25, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sheegay in dilalka iyo ammaan-darada ka jirta Muqdisho aan lagula xisaabtami karin maamulkiisa, balse lagula xisaabtamayo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya.

Muun-gaab ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin ciidammo amni oo weli la hoos-keenay maamulkiisa, balse dhowr jeer oo hore uu warbaahinta ka maqlay in ciidamada booliiska iyo kuwa nabadsugidda gobolka Banaadir ay si toos ah u hoostagayaan maamulkiisa.

“Falalka ammaan-darro ee Muqdisho ka dhacaya waxba lagama weydiinayo maamulka gobolka Banaadir, waxaa wax laga weydiinayaa hay’adaha ku shaqada leh leh, waayo ma jiraan ciidammo amni oo maamulkeenna hoos-yimaada,” ayuu yiri Muun-gaab oo intaas ku daray in Muqdisho ay u baahan tahay ciidammo gaar ah oo hoos-yimaada maamulka gobolka Banaadir taas oo keeni karta in ammaanka la sugo.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la dhameystiro qorshaha lagu hoos-keenayo maamulkiisa ciidamada booliiska iyo nabadsugidda gobolka, markii arrintaas ay suuro-gashana uu maamulku qaadayo mas’uuliyadda wax walba oo Muqdisho ka dhaca ayna diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo.

“Magaalada Muqdisho waxay u baahan tahay ciidammo gaar ah oo amniga ka shaqeeya, kuwaasoo si toos ah u hoos imaanaya maamulka, isuguna jira booliis iyo ciidammo dhar ah; inta taas ka horreysa falalka amni-darrada ah ee dhacaya waxaa lagula xisaabtamayaa talisyada guud ee booliiska iyo nabad-sugidda Soomaaliya,” ayuu Muun-gaab hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka dhacaya Muqdisho ayna la shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee ammaanka, isagoo xusay in xubnaha Al-shabaab ee dilalka ka geystay Muqdisho uu intooda badan soo qabtay maamulka gobolka Banaadir.

“Amniga ayaan faraha ka laabanaynaa ma dhahayno waan ka shaqeynaynaa balse waxaan codsanaynaa in ciidamada maamulka gobolka sida ugu dhaqso badan naloogu soo wareejiyo, mas’uuliyadda wixii ka dhaca innaga ayaa dusha u ridan doonna ee bal markaan Muqdishada loo caal-waayay ha nalagu soo wareejiyo ciidamadeeda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay duqa Muqdisho.

Hadalka Muun-gaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor lagu dilay Muqdisho xildhibaanad ahaydna fannaanad, Saado Cali Warsame, iyadoo dilkeeda ay sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya