Khamiis, July 10, 2014 (HOL) —Dooni ganacsi oo siddey badeecooyin kala duwan oo gaaraya 1,500 oo tan ayaa gelinkii dambe ee shalay ku degtay Badda Cas, meel u dhow xeebaha dalka Yemen.
Doonta oo kasoo shiraacatay dalka Cummaan kuna soo jeedey magaalada Boosaaso, waxaa sababta keentay inay degto iyo weliba noocyada badeecooyinka ay siddey ka warbixiyey Ganacsade Liibaan Dheere oo isagu doontaas wakiil ka ahaa.
Liibaan ayaa sheegay in doontu gelinkii dambe ee shalay ay dabeylo xooggani ku keceen muddo saacado kaddib ahna ay degtey. Wuxuu intaas raaciyey in dhammaan shaqaalihii doontu ay bedqabaan.
Badeecooyinka ay doonida degtay siddey waxaa kamid ahaa sida uu Liibaan Dheere sheegay raashin, qalabka dhismaha, bagaash iyo gawaari tiradoodu gaareyso dhowr iyo soddon oo isugu jirey baabuurta yaryar iyo kuwa xamuulka qaada.
Dhan kale wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland ayaa digniin u jeediyey kalluumaysatada Puntland iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ee badda ku safra, isagoo ku boorriyey in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta ay dabaylaha xagaagu dhacayaan.
Xilliga xagaaga waxaa ka dhaca Badda Cas dabaylo xooggan, dabaylahaas oo sanad kasta sababa shilal badan oo badda ka dhaca, kuwaas oo galaafta nolosha dad badan hanti malaayiin doolar lagu qiyaasana ay ku baaba'do.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Doonni Ganacsi oo kusoo jeeddey Boosaaso oo ku degtey meel u dhow Yemen
More News
- Mid ka mid ah Kooxihii Weeraray Madaxtooyada oo shaaciyay inay Qorsheynayeen inay dilaan Ra’iisul Wasaaraha Somalia (DAAWO VIDEO)
- DANJIRE KAY: “Soomaalidu waa in ay gacan ka Geystaan Xasilinta Dalkooda”
- Mareykanka oo sheegay inuu Kenya ka caawinayo la-dagaalanka Al-shabaab
- Qarax sababay dhaawacyo oo galabta ka dhacay garoon Kubada lagu ciyaaro
- Golaha Wasiirada oo ka dooday cida qaadanaysa Basaboorka Dublamaasiga
- Aqoon-isweydaarsi dhanka waxbarashada ah oo lagu soo gabagabeeyay Cayn
- Dadweynaha Gaarisa oo Gacanta ku dhigay Mid ka mid ah Kooxo dil Geystay
- Kulan lagu soo bandhigay dhibka Burcad-badeedda oo Gaalkacyo lagu Qabtay
- Daraasad sheegaysa sida ay burcad-badeeddu taageero uga hesho bulshada
- Baarlamaanka Kenya oo ka doodaya in Ciidamada Kenya laga saaro Somalia
- Afhayeenka Ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii Madaxtooyada Somalia
- Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka dhacay Duleedka Baladweyne
- Markab ku socday Kenya oo ku Caariyay Xeebaha Gobolka Shabeellada Dhexe
- Wiil ka Xanuunsan Kaadi-haysta oo caawinaad uga baahan ciddii Awoodi karta
- Caydiid Ilko-xanaf oo kasoo horjeestay ansixintii Sharciga Adeegga Garsoorka
- Jarmalka iyo Argentine oo isugu soo haray Ciyaarta Finalka Koobka Adduunka
- Mareykanka iyo Faransiiska oo Tababbaraya Ciidamada Dowladda Soomaaliya
- Ururka Midowga Afrika oo wakiil cusub u soo Magacaabay Arimaha Soomaaliya