4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Madaxweyne Gaas oo la kulmay murashaxiintii laga guulaystay
Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) —Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa  C/xakiim C/laahi Cumar (Camey) ayaa maanta kulan qado-sharafeed ahaa la qaatay murashaxiintii ka qayb galay doorashada madaxtinimada ee u kala tartamayey xilalka madaxweynaha iyo  madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka kaddib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Jen. C/laahi Siciid Samatar oo guddoomiye u ahaa murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee shalay magaalada Garoowe ka dhacday.

Jen. C/laahi Siciid Samatar oo hadalka ku horreeyey ayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland uga mahad celiyey qado sharafta ay u sameeyeen. Jen. Samatar ayaa intaas kaddib sheegay in madaxda cusub ee Puntland looga fadhiyo inay ka dhabeeyaan ballan qaadyadii ay sameeyeen, si Puntland looga arko is-beddel weyn oo dhanka horumarka ah.

" madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka horay ayaan ugu hambalyeynay, haddeerna waan u hambalyeynaynaa...waxan rajeynaynaa wixii lagu heshiiyey oo ahaa isbeddel iyo horumar in dalka lagu sameeyo" C/laahi Siciid Samatar ayaa yiri.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaa soo intaas kaddib hadlay, ayaa u mahad celiyey murashaxiintii ay doorashada ka wada qayb galeen ee kulankii qado sharafta ahaa ee maanta magaalada Garoowe uu kula qaatay kasoo qayb galay.

C/weli Gaas ayaa sheegay in dhammaan siyaasiyiintii ka qayb gablay tartankii madaxtinimadu ay yihiin kuwo mudan in laga tala geliyo aayaha dalka, isagoo sheegay in mar walba uu soo dhoweynayo talooyinka iyo afkaarta ay usoo jeediyaan.

"saaxiibadey weeye, kulligoodna way awoodaan inay waddanka hoggaamiyaan, marka waa muhiim inaan fikirkooda iyo taladooda isku darsanno...si guud in howsha loo galo ayaan u baahannahay aniga iyo madaxweyne ku-xigeenkaygu waxba ma qaban karno..."

Doorashada madaxtinimada Puntland oo shalay [Janaayo 8, 2014] ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe ayaa ahayd tii ugu xamaasadda badneyd ee Puntland ka dhacda muddadii 15-sano ahayd ee ay jirtey, waxaana ka qayb galay 21 murashax oo u kala tartamayey xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya