4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Xafiisyo loo dhisay Baarlamaanka FS oo xariga laga jaray (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha Villa Hargeysa oo ah xafiisyada ay ku shaqeyn doonaan guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu isagana xariga ka jaray masjid weyn oo isla xaruntaasi laga hirgeliyay.

Munaasabadda lagu furayay xaruntan oo dib u dhis lagu sameeyey ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid ahaayeen, xubnaha joogtada ah ee baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, Jeeylaani Nuur Iikar oo khudbad ka jeediyay furitaanka xafiisyadan ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta si rasmi ah loo furo xafiisyo ay ku shaqeeyaan guddoonka iyo guddiyada baarlamaanka; isagoo xusay in tallaabada ku xigta ay noqon doonto in la hirgeliyo dhismaha xarunta baarlamaanka Somalia, si si baarlamaanka soo socda ee bedeli doona golaha hada jiro uu u helo xarun uu ku shaqeeyo.

Intaa kaddib waxaa isgauna khudbad jeediyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ugu horreyn mahad u celiyay boqortooyada Norway oo hirgelisay dhismaha xafiisyadan iyo sidoo kale hay’adda UNDP oo iyaduna qalabeysay xafiisyada Villa Hargeysa.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Prof. Jawaari ayaa xusay inay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo iyagu hir-gelinta dhismahan gacan ka geystay, kuwaasoo ay ugu horreyso Rugta Ganacsiga Soomaaliya, kaalmada iyo ballan-qaadyada ay dalalka caalamka u sameeyaan Soomaaliya ayuu ku booriyay inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda isagoo mahad-celin kal iyo laab ah u jeediyey jaalayaasha iyo howl-wadeennada golaha shacabka .

Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday marxalada uu dalku marayo gaar ahaan dhinaca siyaasadda, isagoo sheegay in baarlamaanku uu dhawaan ansixiyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia, isla markaana la dhawrayo hadda ansixinta iyo dhaarinta golaha wasiirrada cusub, lagana doonayo in laga wada-shaqeeyo sidii dalkan lagu gaarsiin lahaa sannadka 2016-ka marxalad ay dadweynuhu wax ku dooran karaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaannada golaha shacabka, wuxuuna sheegay in tallaabadan lagu hirgeliyay dhismaha xafiisyada guddoonka iyo guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka ay tahay mid fududeynaysa shaqooyinka la doonayo in la qabto.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay marxalada dalku uu marayo, isagoo si gaar ah uga hadlay magacaabista golaha wasiirrada oo ah mid si aad ah ay u dhawrayaan xildhibaannada golaha shacabka isagoo uga mahad-celiyey dulqaadka ay muujiyeen, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ra’iisul wasaaraha xukuumadda uu arrintaas dadaal dheer ku bixiyay isla markaana dhawaan ay soo gabagaboobmi doonto, baarlamaankana uu ka rajeynayo inuu fududeyn doono.

Markii munaasabada lasoo gunaanaday kaddib guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xarigga ka jaray masjid weyn oo dhismihiisa laga hirgeliyay xarunta Villa Hargeysa, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda hormarineed ee uu guddoonka baarlamaanka u dejiyay howlaha golaha shacabka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya