4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Dalalka Jabuuti iyo Shiinaha oo Heshiisyo Muhiim ah kala Saxiixday

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in xiriir dhow oo xagga ganacsiga ah ay la samaysanayaan dowladda Jabuuti, isla markaana labada wadan xiriirkooda uu noqon doono mid joogto ah si loo hormariyo dhinacyada loo baahan yahay.

Kulan ay wada qaateen isaga iyo wasiirka arimaha dibibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa labada masuul ay kaga wada hadleen in kor loo qaado xiriirka labada wadan oo soo bilowday 35-sano ka hor.

“Wadanka Shiinaha waxa uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Jabuuti si horey loogu wado  iskaashiga dhinacyadan ka dhaxeeya si kalsooni hor leh loo abuuro “ayuu yiri Wang oo la hadlayay warbaahinta kulanka kaddib.

Wasiirka ayaa xusay in wadanka Shiinaha uu maalgashi ku samaysan doono meelo badan oo kamid ah Jabuuti ,isla markaana uu ka qayb-qaadan doono dhismaha dekadaha iyo waliba adeegyada kale ee loo baahanyahay.

“Runtii Shiinaha waa u muhiim dalkan iyo Afrika oo dhan ,xiriirkeenna waaa mid diblumaasiyadeed oo muhiimad gaar ah leh,” ayuu isna yiri wasiirka arimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo xusay in wadankiisu uu fududeyn karo danaha qaar ee Shiinuhu uu ku leeyahay Afrika.

Heshiisyo hor dhac ah oo  labada wadan ay kala saxiixdeen ayaa waxaa ku jira in Shiinaha iyo Jabuuti ay iskaashi caalami ah ka sameeyaan dhinacyada ammaanka iyo waliba dhaqaalaha ,waxaana lagu wadaa in markasta la hubiyo heshiiyadaas.

“Guulaha la gaaray waxaa kamid ah in dadka haysta baasaborka dalka Jabuuti loo fududeyn doono in ay si dhab yar ku galaan Shiinaha oo ay kasoo dhamaysteen wax kasta oo ay u baahan yihiin,“ ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Ugu danbayntii wasiirada Shiinaha iyo Jabuuti ayaa isku raacay in la hirgaliyo sida ugu haboon heshiisyadaas ,waxaana wadanka shinaha uu ballan-qaaday in uu ka qayb-qaadan doono mashruucyo dhowr ah oo lagu harmarinayo nolosha dadka saboolka ee  Jabuuti ku nool.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]