4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Nicholas Kay oo la kulmay madaxweynaha iyo isimmada Puntland

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha -shalay la doortay- ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo is-kaashiga ka dhexeeya maamulka Puntland iyo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyn doonto xukuumadda Madaxweyne Gaas, islamarkaana ay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso dadka iyo dowladda Puntland.

Danjire Kay ayaa dhanka kale ammaan usoo jeediyey xildhibaannada baarlamaanka iyo shacabka Puntland, isagoo tilmaamay inay si wadajir isaga kaashadeen sidii ay doorashada madaxtinimadu ugu dhici lahayd qaab hufan.

Madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna u mahad celiyey ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, isagoo xusay inuu dadaal badan ku bixiyey sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho xor ah, xalaal ah islamarkaana hufan.

Gaas ayaa intaas kaddib si kooban uga warbixiyey qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka dhow iyo dhinacyada ay Puntland u baahan tahay in Qaramada midoobay ay ka taageerto, si gaar ah wuxuu usoo hadal qaaday ammaanka, waxbarashada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhanka kale, Nicholas Kay ayaa kahor intii aanu galabta magaalada Garoowe ka duulin wuxuu sidoo kale kulan la qaatay isimadda Puntland intooda magaalada Garoowe ku sugan.

Danjire Kay ayaa ammaanay kaalintii isimmadu ay ku lahaayeen xulista xildhibaannada iyo xallinta khilaafaadkii jirey doorashada kahor, isagoo ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub, ku-xigeenkiisa iyo weliba xukuumadda uu Madaxweyne Gaas dhowaanta soo dhisi doono.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, wuxuu kamid ahaa wufuud ka sooctey beesha caalamka oo shalay ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya