4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Sidee Beledweyne loo arkay Doorashada Madaxnimo ee Puntland?

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Magaalada Beledweyne si la mid ah qeybaha kala ee dalka bulshada ku dhaqan waxaa ay siweyn ula socdeen maalintii shalay doorashadii ka  dhacday magaalada Garoowe oo ay golaha wakiilada ku soo doorteen hogaanka cusub  ee Puntland shanta sanno ee soo socta.

Dad-weynaha oo toos ah ugala socda doorashada warbaahinta leyska arko ee TV-yada, ayaa sheegay in ay aheyd talaabo horay loo qaaday iyo biseyl siyaasadeed oo ay gareen shacabka reer Puntland.

Inta badan marka aad tagto goobaha lagu qaxweeyo oo ay dadku ku kulmaan hadal heynta ugu badan saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay aheyd sida nabad-galyada ah oo ay ku soo dhamaatay doorashada iyo is-badalka ku dhacay hogaanka ku yimid.

Gaar ahaan waxaa ay siweyn intooda badan u soo dhaweeyeen madaxweyne C/wali Max’ed Cali Gaas oo ku guuleysay doorashada, horeyna u soo noqday ra’iisal wasaarihii dowladdii ku-meel-gaarka aheyd, waxaana ay rajo badan ka muujiyeen soo afjarista khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dowladda dhexe.

Gobollka Hiiraan waxaa uu xiriir ganacsi la leeyahay deegaannada Puntland, waxaana xusid mudan in sadexdii cisho ee la soo dhaafay ay aad u xadidnaayeen dhaq-dhaqaaqa gadiidkii ka bixi jiray gobolka ee xoolaha nool iyo khudaarta u qaadi jiray Puntland sababo la xiriira ammniga iyo awaamiirtii ay soo saareen guddigii nabad-galyada doorashada.

Shacabka ku dhaqan magaalada gaar ahaan ganacsatada ayaa marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in ay soo dhaweynayaan sida doorashada ku soo dhamaatay, madaama ammniga Puntland uu yahay mid mar walba saameynaya hadba xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya bulshada labada dhinac.

Magaalada Beledweyne waxaa ka baxa tiro gadiid xamuul ah oo u daabula deegaannada Puntland xoolaha loo dhoofiyo wadamada carabta oo la oran karo waa ganacsiga ugu weyn ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Sidoo kale, marka laga soo tago magaalada Muqdisho ganacsiga gobolka Hiiraan ayaa ah mid ku xirran magaalada Boosaaso oo ay ka soo degaan shixnadaha kala duwan ee  loo iib keeno magaalada Beledweyne.

Doorashadii shalay ka dhacday Puntland oo aheyd mid siweyn u soo jiidatay idhaha guud  bulshada Soomaalida meel kasta oo ay joogaan iyo beesha caalam-ka, ayaa la oran karaa waxaa ay daah fur u aheyd mustaqbal ifaya iyo rajo laga qabi karo Soomaaliya oo mar kale cagaheeda isku taagtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya