4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Shacabka Hargeysa oo ka hadlay doorashaddii ka dhacday Puntland

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa ku kala aragti duwanaa doorashadda ka dhacday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaas oo intooda badan u muuqday qaar taagaseerayey madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan Faroole ka hor intii aan laga guulaysan.

Dadka taageerayey Faroole ayaa ku sababaynayey waayo aragnimada iyo mudadda dheer ee uu deegaanka joogay, maadaama musharaxiinta kale u badnaayeen qurbojoog aan dalka ku noolayn.

Sidoo kale, waxay dadku filayeen in aan sinaba lagaga badin Karin Madaxweyne Faroole maadaama oo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland uu ahaa siyaasi ay soo wada shaqeeyeen oo golaha wasiiradiisa ka mid ahaa, isla markaana dadku u arkayeen inuu isagu taageeray inuu gudoomiyahaasi noqdo.

“Madaxweynaha cusub ee C/wali Gaas wax badan kuma soo kordhinayo Puntland waxaanu wakhtigu kaga lumayaa inta uu la qabsanayo Bii’adda, waayo waa nin in badan qurbojoog ahaa wakhtigi uu dawlada dhexe ee Sooomaaliya ka shaqaynayey wakhti kooban oo ciidamo ajanabi ilaalinayeen bu ahaa, dhaqaalaha dawlada ku baxayeyna waxa bixinayey wadamo ajanabi ah laakiin maamulka Puntland way ka duwan tahay dawlada dhexe waana meel salka hoose laga soo bilaabay oo u baahan inuu hogaamiyo nin wakhti badan ku noollaa”ayuu yidhi Maxamed Warsame oo ka faaloonayey madaxweyna cusub ee Puntland.

Fu’aad Xasan Nuur ayaa isna isagoo arrigtidisia ka dhiibaya waxa uu yidhi “Horta isbedelku wuu fiican yahay, waayo ninka cusubi waxa uu isku dayeyaa inuu wax qabto, wax badana wuu ku soo kordhin doonnaa ”.

“Madaxweyne Faroole nin adag buu ahaa oo marxalado kala duwan kala soo gudbay Puntland, wayna dareemi doonaan shacabka reer Puntland”ayuu yidhi Mawliidd Maxamed oo isna ragtidiisa ka dhiibayey doorashaddii madaxweynenimadda Puntland.

“Anigu waxaan aaminsanahay in Cabdiwali Gaas uu yahay aqoonyahan wax badan u qaban kara Puntland, isla markaana uga faa’iideyn kara diblamaasiyadiisa inuu Puntland wax u qabto”ayuu yidhi Cabdiqani  Yuusuf oo taageeray madaxweynenimadda Cabdiwali Gaas.

“Dastuurka Somaliland waxa ku yaalla in qofka madaxweynenimo isku soo sharaxaya uu dalka joogo laba sanno si uu ula sii qabsado dhaqanka iyo Bii’adda uu dadka uu maamuli doono aaminsan yahay iyo sida ay u dhaqmaan, waayo hadii uu dalka wax badan ka maqnaa wuxuu aaminsan yahay iyo dadkiisa sida ay u nool yihiin way kala duwan yihiin, waxaana xeerkaasi loo sameeyey in qofku muddo ku noolaaada dalka, sidaa darted, Puntland waxay ahayd inay xeerkaasi oo kale samaystaan si qofka doonaya inuu madaxweyne noqdaa inuu wakhti badan degan yahay kuna nool yahay, balse aanu noqon nin marka uu xil doonayo yimaada dalka, marka uu waayana dib u noqda, waana hubaal in madaxweynaha cusub ee Puntland caqabad weyni ku soo fool leedahay oo ay ku adkaan doonto sidii uu u maamuli lahaa deegaankaasi”ayuu yidhi Xasan Maxamed

Inkastoo dadku ku kala aragti duwan yihiin isbedelka ku dhacay hogaanka sare ee Putland, haseyeeshee waxay badi dadweynuhu aaminsan yihiin inay mudooyinkii u dambeeyey deganaasho laga dareemayey deegaanadda u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, isla markaana ay gaadhay heer ay iskugu gudbiyaan dambiileyaasha labadda dhinac dambiyadda ka kala galla.

Si kastaba ha ahaa, Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn usoo dhoweeey sida nabadgalyada leh ee doorashaasi u dhacday, iyagoo intooda badan hambalyeeyey madaxweynaha cusub, isla markaana Telefishanada ka daawanayey sidda dimuqraadiyadda ah ee doorashadu u dhacday iyo sida markiiba u tanaasulay madaxweynihii halka cod laga badiyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland