4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Ururka OIC oo Calaamadeeyay Maalinta Agoonta Caalamka Islaamka

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay 57 dal oo Islaam ah ay ku bahoobeen ayaa u calaamadeeyay maalinta agoonta caalamka Islaamka, taasoo noqonaysa 15-ka bisha Ramadaan sannad walba.

Shir ay isugu yimaadeen dhammaan wasiirda arrimaha dibadda ee ururka oo ahaa kal-fadhigii 40-aad kana dhacay caasimada dalka Guinea ee Conakry ayaa lagu go'aamiyay calaamadeynta maalintan; isla markaana ku booriiyay dalalka Islaamka iyo hay'adaha inay si weyn u muujiyaan maalintaas.

“Ururka OIC wuxuu dhiirri-gelinayaa caawinta joogtada ah ee agoonta; isla markaana waa in si aad ah loo muujiyaa maalinta 15-ka Ramadaan inay tahay maalin la taakuleeyo agoonta ku baahsan dalalka Islaamka iyo kuwa ku nool dalalka looga tiro badan yahay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu soo saaray ururka.

Sidoo kale, ururku wuxuu ku boorrinayaa baa lagu yiri qoraalkan hay'adaha samafalka iyo dowladaha Islaamka inay muujinta maalintaas lana qaban-qaabiyo maashaariic gaar ah oo wax-tar u ah agoonta isla markaana kor u qaadi karta xaladahooda nololeed, waxbarasho iyo horumarineed.

Ku-xigeenka xafiiska ururka OIC ee dalka Somalia, Maxamed Iidle Sabriye ayaa ugu baaqay dhammaan hay'adaha dowladda, kuwa samafalka, shirkadaha iyo shaqsiyaadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan inay weyneeyaan maalinta loo asteeyay agoonta islaamka oo ah 15-ka Ramadaan sannad walba, aadna u farax-geliyaan agoonta iyo qoyayskooda marka la gaaro taariikhda la calaamadeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya