4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Qarax uu ku dhintay Mas’uul sare oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay qarax miino oo xalay ka dhacay isgoyska Tarabuunka, degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay guddoomiyihii hore ee deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellda Hoose, C/llaahi Jaamac Siyaad (Jabeey) iyadoo uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladii la socday.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in miinada ku qarxda ay ahayd mid lagu xiray gaarigiisa; waxaana qaraxa uu ahaa mid xooggan, iyadoo ciidamadii la socday iyo kuwo kale goobta ku sugnaa ay rasaas badan fureen qaraxa kaddib.

Mas’uulka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa xilka laga qaaday labo bilood ka hor isagoo xilli horena soo noqday guddoomiye ku xigeenkii degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxa lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee deegaanka Lafoole oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, sidoo kalena maamulka degmada Hodan kma aysan hadlin qaraxan.

Qaraxan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyo dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay, kuwaasoo kii ugu dambeeyay uu ku dhintay xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya