4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Madaxweyne Xasan: "Nabadsugiddu waa Hormuudka Amniga Dalka"


Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud oo xalay ka qaybgalay xafladdii xuska sannad-guuradii 44-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay hay'adda nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay in hay’adda nabadsugiddu ay hormuud u tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

Xafladan ayaa waxaa ka qaybgalay ra'iisul wasaaraha xukuumadda, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, sii hayaha xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda, sii hayaha wasiirka arrimaha gudaha iyo xubno ay ka mid yihiin taliyeyaasha ciidamada, maamulka gobolka Banaadir.

"Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shaqaalaha hay'ada nabadsugidda, xaasaskooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Maalintii la aasaasay hay'addan waxay Soomaaliya kaga baahi badan tahay maanta, waayo waxa jira maanta ma jirin maalintaas. Dowladduna waxay ahmiyad gaar ah siisay amniga oo dhaqaalaheeda kooban ay u hurtay. Waxaan ammaanayaa hay'adda nabadsugidda oo sannadkii lasoo dhaafay howlo muhiim ah ka qabatay dalka kana hor-tagtay falal amni-darro lala damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku guuleysteen inay falalkii ka dhacay maxkamadda iyo xaradii QM ay si deg-deg ah u soo afjareen isla markaana ay ku wada dileen kooxihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Garoowe oo uu yiri: "Waxaan u hambalyeynayaa Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku guulaystay xilka madaxweynaha Puntland, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkiisa u sahlo.”

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in dowladda federaalka Somalia ay diyaar u tahay inay wax allaale iyo waxii lala qaban karo Puntland ay la qabato, isla markaana aan si wadajir ah uga wada shaqeyn doono arrimo ay ka mid yihiin sidii dalka federaal looga dhigi lahaa; dalka oo dhan loo xasilin lahaa.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid abwaan Aw-Jaamac Cumar Ciise oo maalmo ka hor dalka Jabuuti ku dhintay. Isagoo yiri: "Marxuum Aw Jaamac waxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed wax badan ka qoray, waxuuna nooga wada baahan yahay inaan wada xasuusanno oo aan u wada duceyno."

Dhanka kale, taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadallo ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in hay’addu ay howlo badan qabatay ayna howlaheeda sii xoojin doonto sannadaha soo socda si looga hortago khataraha shacabka kusoo wajahan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya