4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
DAAWO SAWIRRADA: Doorashadii Madaxweynenimo ee Puntland


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, xilalkaas oo ay kusoo kala baxeen madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey).

Doorashada oo ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ku sugnaa madaxa ay ka dhacaysay isimmada iyo waxgaradka Puntland ee soo xulay xildhibaannada, waxaana sidoo kale joogay ergo ka socotay beesha calaamka oo uu ku jiray ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia.

Sidoo kale goobta waxaa ku sugnaa madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse), iyadoo xubnihii goobta ka hadlya oo dhan ay soo dhaweeyeen sida ay doorashadu u dhacday, iyagoo hamblayo u jeediyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland.

HADDABA DAAWO SAWIRRADII DOORSHADA PUNTLAND

Doorashadan loogu tartamayay xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa noqonaysa tii afaraad oo ka dhacda Puntland tan iyo markii maamulkan la aasaasay 15-sano ka hor, iyadoo sidoo kale ahayd tii ugu xasaasinayd ee Puntland ka dhacda ayna ka qaybgalaan in ka badan 10-murashax oo xilkan madaxtooyada u tartamaya.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo soo noqday ra'iisul wasaarihii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya isla markaana kasoo noqday wasiir ayaa wuxuu si dirqi ah kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole oo ay isku soo hareen wareeggii ugu dambeeyay doorshada madaxweynimo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya