4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Rugta Ganacsiga: kulan looga hadlay dib u dhiska dalka (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Xarunta rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay maanta oo Arbaco ah kulan looga hadlay sidii Soomaalida dibadaha u qaxay ay uga qaybqaatan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Transparency Solutions/University of Bristol, iyadoo looga hadlay sidii Soomaalidii dalka ka qaxday, gaar ahaa kuwa ku nool dalka Britain ay dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda ayna uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalka sida kuwa leh xirfadaha aan laga heli karin dalka.

Aqoonyahanno iyo waayo-arag kulanka ka qaybgalay oo ka yimid dalka dibaddiisa ayaa sheegay in arrinkan uusan ahayn mid dunida ku cusub balse ay dalal badan fara badan ka faaiideeysteen maskaxdii kuwoodii dibadaha u qaxay.

Transparancy Solutions waxay madasha la wadaageen in arrinkan hadda aad loogu heelan yahay, lana rabo qaab wax-tar u ah oo shaqsiga dalka xilliga fog ka maqnaa looga faa’iideysan lahaa, si xor ah oo doorashadiisa ahna uga qayb-geli karo.

Waxaa laga hadlay in hadda ay jiraan hay’ado ku howlan arrimahan sida: IOM, UNDP, USAID iyo qaar kale, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Soomalidii nidaamkan ku yimid iyo xafiisyadii ay la shaqeynayeen, haddana ka shaqeeya dalka gudihiisa.

Iyadoo kulanka laga sheegay in loo baahan yahay in tayada wax laga bedelo oo dhinacyo badan oo arrintani quseeyso laga talo-galiyo, si looga faa’iideysto qaabkii dalalkii naga horreeyay ay u wajaheen arrintan sida Rwanda, South-Africa, Chile, India iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa aad looga hadlay saameynta dadban oo arrinkan ku yeelan karo Soomaalida aan weli haysan dhalashada dalalka ay u qaxeen, maadaama xasiloonada dalka ay wax badan ka dhiman yihiin.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya