4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la dhaariyay


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa lagu dhaariyay hoolka baarlamaanka oo maanta lagu doortay.

Labada mas’uul ee la doortay C/weli Gaas iyo C/xakiin Camey ayaa waxaa dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland, iyadoo sheegay dhaarta kaddib inay si wanaagsan oo cadaalad ah ay ugu adeegi doonaan shacabka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa xilka kula tartamay 10 murashax oo uu ku jiray madaxweynihii hore ee Puntland. C/raxmaan Faroole oo uu wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyay uu uga badiyay hal cod oo keliya.

Gaas ayaa ku guuleystay 33-cod, halka madaxweynihii hore ee Puntland oo uu tartan adag dhexmaray uu helay 32-cod, waxaana xumaaday hal cod oo keliya sida ay guddigu sheegeen intii tirintu socotay.

Sidoo kale, C/xakiin Camey ayaa wuxuu helay 48-cod wareeggii saddexaad ee loogu tartamayay xilka madaxweyne ku xigeenka oo ay isku soo hareen murashax C/llaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo isagana helay 16-cod oo kaliya.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland ayaa waxay xilka hayn doonaan shanta sano ee soo socota, iyadoo noqonaya xubnihii afaraad oo hoggaanka Puntland loo doorto tan iyo markii la aasaasay Puntland sannadkii 1998-kii.

Labadan mas’uul ee la wareegay hoggaanka Puntland ayaa waxay dhawaan la wareegi doonaan xilka, iyagoo xilalka kala wareegi doona madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenkiisii Jen. C/samad Cali Shire.

Doorshadan oo ahayd middii ugu xasaasinayd ee ka dhacda Puntland ayaa waxaa si weyn loogala socday sida ay ku dhacayso qalabka warbaahinta oo ay HOL ka mid ahayd.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya