4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
TARSAN: “Shacabku ha ilaaliyaan Ammaanka Muwaadiniinta Turkiga"


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ilaaliyaan muwaadiniinta Turkiga eek a howlgalaya Muqdisho.

Mudane Tarsan ayaa sidoo kale tilmaamay in Turkigu ay howlo dib u dhis ah ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, ayna tahay in laga ilaaliyo kuwo uu ku tilmaamay inay kasoo horjeedaan horumarka caasimadda ka socda.

“Shacabka Soomaaliyeed waa inay xil gaar ah iska saaraan sidii walaalaha Turkiga ee howlaha horumarineed kawada caasimadda ay ilaaliyaan, waayo waxay wax u qabanayaan waa iyaga iyo dalkooda,” ayuu hadalkiisa ku daray Tarsan.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya xilli askar ka tirsan booliiska Soomaaliya ay shalay hubka ka dhigeen ilaalo hay’adda bisha Case e Turkiga u shaqeynayay.

Dhanka kale, kooxo hubeysan oo aan haybtooda lag aranayn ay suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogteen haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Axmed oo la shaqeeneysay mid ka mid ah hay’adaha dalka Turkiga ee mashaariicda kala duwan ka wada magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in in dilka ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo markii ay dileen haweeneyda markiibta goobta isaga baxday.

“Dhalinyaro bistoolado wata ayaa haweeneyda dilay, dilka kaddib kooxihii hubeysnaa wey baxsadeen,” ayaa goobjoogayaasha laga soo xigtay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeeyeen dilka haweeneydan Turkiga u shaqeynaysay loo geystay.

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa kale ee nabadsugidda ayaan weli ka hadlin dilka haweeneydan loo geystay, iyadoo ay noqonayso ruuxii ugu horreeyay oo u shaqeynaya hay’adaha Turkiga oo Muqdisho lagu dilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya