4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Bannaanbax ballaaran oo ka dhacay Degmada Buuhoodle (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — Isku-soo-bax balaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa lagu qabtay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee degmada Buuhoodle.

Didbad-baxan oo ay ka muuqanayeen bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa halkaas hadallo ka jeediyey odayaasha, waxgaradka, haweenka, maamulka degmada iyo mas’uuliyiinta Khaatumo, taasoo ay ku muujinayeen rabitaanka maamulkooda iyo in loo gudbo wejiga labaad maadaama lasoo gunaanaday xilligii mas’uuliiyiinta talada hayay.

Madaxwene Maxamed Yuusuf Jaamac "Indhasheel" oo gunaanadkii dibadbxa halkaas kula hadlay shacabka ayaa ballanqaaday in dhawaan lagu qaban doono shirkii Khaatumo magaalada Taleex.

Waxaa kaloo uu dadkii uu la hadlaayay u sheegay inay hayaan qorshe midho dhal noqon doona, walow uusan golaha ka sheegin; haddana wuxuu u ballan-qaaday in ciddii rabta ay tusayaan.

Indhasheel wuxuu canbaareeyay falkii ka dhacay degmada Taleex isagoo farta ku fiiqay in raggii ka danbeeyay ay yihiin kuwa musharaxiinta ka ah Puntland, isagoo ku goodiyay inaan la hilmaami doonin.

Dhammaan dadkii halkaas ka hadlay waxay si toos ah weerar ugu ahaayeen Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo haatan u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland horayna u ahaa madaxweynihii u horeeyay ee maamulka Khaatumo, kaasoo sannadkii 2012kii loo dhaariyay xilka.

Banaa- baxan ayaa kusoo beegmay xili ay guddi awooda kore oo maamulka oo laguna magcaabo G11 ay soo saareen qoraal ay xilkaa kaga qaadeen laba mas’uul oo kala ah: Axmed Karaash iyo C/nuur Cilmi Qaaje Biindhe oo ahaa ninka xilka madaxnimo ee maamulka haatan lahaa; laguna eedeeyay waajib gudasho la'aan halka Karaashna khiyaamo lagu eedeeyay.

Maamulka Khaatumo ayaa khilaaf soo kala dhex-galay uu ragaadiyay horay u socodka maamulka sannadkii lasoo dhaafay, waxaase la eegyaa qolada G11 oo maal-qabeenno iyo siyaasiyiin qurba-joog ah isugu jira qorshaha ay keenaan muddo laba bilood ah kaddib.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool