4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2014
Dibad-baxyo lagu taageerayo Madaxweyne Gaas oo socda
Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) —Magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ka soconaya dibadbaxyo lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Magaalooyinka ay sida weyn dadku isugu soo baxeen waxaa kamid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay kumannaan dadweyne ahi waddooyinka waaweyn isugu soo baxeen.

Magaalada Qardho ayaa iyaduna kamid ah magaalooyinka ay dadku sida weyn uga soo dhoweeyeen guusha uu C/weli Maxamed Cali Gaas kasoo hoyay doorashada, kaddib markii uu ka guuleystey madaxweynihii hore C/raxmaan Maxamed Faroole.

Magaalada Gaalkacayo -oo deegaan ahaan madaxweynaha cusubi uu kasoo jeedo- ayaa ah magaalada ay dibad baxyada ugu ballaarani ka dhaceen.

Kumannaan dadweyne ah oo wata calanka Puntland, midka Soomaaliya iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo soo dhoweyn ah ayaa isugu soo baxay jidadka si ay u muujiyaan taageerada ay C/weli Maxamed Cali Gaas u hayaan.

Madaxweynaha cusub oo kamid ahaa kuwa ugu taageerada badan murashaxiintii ka qayb galay doorashada madaxweynaha, waxaa isaga iyo ku-xigeenkiisa [ oo hadda ay doorashadiisu socoto] xilalkooda loo dhaarin doonaa muddo 48-saacadood ah gudahood.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya