4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
C/raxmaan Faroole: " walaalkay C/weli waan u hambalyeynayaa..."

Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) —Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta looga guuleystay doorashada madaxweynaha, ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub C/weli Maxamed Cali Gaas.

Mudane Faroole ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay guusha uu C/weli Gaas gaarey, isagoo u hambalyeeyey Eebana uga rajeeyey inuu u fududeeyo xilka uu qaaday.

"walaalkey C/weli aad iyo aad baan ugu tahniyadeynayaa guusha uu gaaray" Madaxweynihii hore ayaa yiri isagoo intaas raaciyey "waxanna rajeynayaa inuu Putland u hogaamiyo sidii aan usoo hoggaaminay iyo si kasii fiican...isagoo ilaalinaya midnimada dadka reer Putnald cadowgana la diririya..."

Madaxweynihii hore wuxuu si weyn ugu mahad celiyey wasiirradii lasoo shaqeeyey, ciidamada qalabka sida iyo dhamaan shalaaha dowladda Puntland, isagoo sheegay inay si wanaagsan ula soo shaqeeyeen la'aantoodna aysan waxba u qabsoomeen.

Shaqaalaha dowladda wuxuu ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub C/weli Maxamed Cali Gaas, taas isagoo ka hadlayey wuxuu yiri: "waxan ka codsanayaa intii ila soo shaqeysay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan oo ay C/weli gacan siiyaan"

Ugu dambeyntii wuxuu dardaaran u jeediyey umadda reer Puntland isagoo ugu baaqay inay midnimadooda xoojiyaan si dadka iyo deegaanada Puntland ay horumar u gaaraan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya