4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
C/weli Gaas oo loo doortay Madaxweynaha Puntland


Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) — C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota. C/weli Gaas ayaa kusoo baxay wareeggii saddexaad ee doorashada, kaddib markii uu ka guuleystey madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole oo doonayey in mar kale xilkaas loo doorto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada cod bixinta wuxuuna sheegay C/weli Gaas uu helay 33 cod oo kamid codadka 66-da xildhibaan ee baarlamaanka, halka madaxweynihii hore uu ka helay 32 cod. Hal cod ayaa xumaaday waxayna taasi ka dhigeysaa wadarta guud ee codadka la dhiibtey 65 cod.

C/weli Gaas wuxuu kamid ahaa murashaxiin dhowr ah oo horay loo saadaaliyey in ay ku guuleysan doonaan doorashada madaxtinimada Puntland ee sanadka 2014.

Dhammaan murashaxiinta ka qayb galay doorashada madaxweynaha, ayaa horay u saxiixay, baarlamaanka hortiisana ka qiray in ay aqbali doonaan natiijada doorashada, iyagoo ballan qaaday inay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan murashaxa doorashada ku guuleysta.

TAARIIKH NOLOLEEDKA C/WELI GAAS OO KOOBAN:

C/weli Maxamed Cali (Gaas), waa aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna ku dhashay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud, lama oga sannadka uu rasmi ahaan dhashay.

1984-dii ayuu ka baxay Jaamacadda Umadda kulliyaddeedii dhaqaalaha. 1986-kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay dalka Maraykanka, wuxuuna ka baxay Jaamacadda  Vanderbilt ee ku taalla Nashville, Tennessee. Gaas wuxuu ahaa ardaygii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee jaacadda  Vanderbilt ka baxa.

Intii u dhexeysey 1980 ilaa 1990, wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaraddii Maaliyadda iyo Dakhliga ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Kaddib burburkii dowladdii dhexe, C/weli wuxuu aaday dalka Maraykanka, halkaas oo muddo dheer uu ka ahaa bare cilimiga dhaqaalaha ka dhiga kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Niagra ee gobolka New York.

Sidoo kale, wuxuu la-taliye usoo noqday hay'ado iyo ururro caalami ah oo ay kamid yihiin Bankiga Adduunka iyo hay'adda dhinaca horumarinta uu qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.

C/weli Gaas, waa ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya, dowladdaasoo uu hoggaaminayey Madaxweyne Sheekh Shariif, wuxuu sidoo kale wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah kasoo noqday xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Aug 6, 2013 ayuu C/weli Maxamed Cali Gaas magaalada Addis Ababa kaga dhawaaqay in uu yahay musharrax ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee Puntland, islamarkaana uu u tartami doono xilka madaxweynaha, waxaana xilkaas loo doortay maanta oo ay taariikhdu tahay Janaayo 8, 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Puntland