4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas oo isu soo haray

Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) —Waxaa soo idlaaday wereegii labaad ee doorashada madaxweynaha Puntland. Wareegga labaad waxaa ku tartamay madaxweynaha xafiiska soo joogey -shantii sano ee ugu dambeysey- ee C/raxmaan Faroole, Ra'iisul wasaarihii ugu dambeeyey dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Cali Xaaji Warsame oo ah dhaqaale yahan markii ugu dambeyseyna ahaa maareeyaha shirkadda is-gaarsiinta ee Golis.

Tirada codadka waxaa wareegan iyo kii horeba hoggaaminayey C/raxmaan Maxamed Faroole, waxayna murashaxiintu codadka u kala heleen sidan soo socota:

C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) - 31
C/weli Maxamed Cali Gaas - 18
Cali Xaaji Warsame - 16

Tirada guud ee xildhibaanada baarlamaanka ee madaxweynaha dooranaya ayaa ah 66, waxaana xusid mudan in hal cod uu khasaaray, taas oo wadarta guud ee codadka ka dhigeysa 65 cod.

Doorashada ayaa yeelanaysa wareeg saddexaad, waxaana ku tartami doona labada murashax ee halay tirada codadka ugu badan, kuwaas oo kala ah C/raxmaan Maxamed Faroole iyo C/weli Maxamed Cali Gaas.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya