4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 8 , 2014
Wareggii 1-aad oo dhamaaday iyo Faroole oo hoggaaminaya
Arbaco, Janaayo 08, 2014 (HOL) —Wareegga koowaad ee codbixinta doorashada madaxweynaha Puntland ayaa soo gaba gaboobey, waxaana hooggaaminaya Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole oo helay 27 cod.

Murashax Gaas ayaa helay 13, Cali Xaaji Warsamena wuxuu helay 12 cod, Murashax Maxamed C/nuur Xirsi ayaa isna helay 6 cod, Shire Xaaji Faarax 4 cod, Murashax Cali Awaare wuxuu helay 3 cod halka murashax C/laahi Siciid Samatarna uu helay hal cod

Doorashada ayaa sida muuqata yeelanaysa wareeg labaad, waxaana ku tartamaya saddexda murashax ee helay tirada codadka ugu badan, kuwaas oo ka ah:

C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole 27 cod.
C/weli Maxamed Cali Gaas 13 cod.
Cali Xaaji Warsame 12 cod.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya