4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Mas'uuliyiinta Gobolka Minnesota oo Maanta la dhaariyay (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu dhaariyay isla markaana ay xilka si toos ah ula wareegeen duqa Minneapolis iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada magaaladaasi.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay madaxda u sarreysa gobolka, siyaasiyiin kala duwan, culummo iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ku nool, iyagoo soo buux dhaafiyay madasha ay xafladdu ka dhacaysay.

Somaalida ayaa muujiyay shucuur qiireysan kana tarjumaysa taageeradda ay u hayaan guddoomiyihii degmo ee u horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid ahaa xubnihii la dhaarinayay.

Waxaa goobtaasi lagu dhaariyey maayarka cusub ee magaalada Minneapolis, Betsy Hodges iyo gudfiga golaha deegaanka oo toddobo ka mid ah ay yihiin kuwo cusub, lixna dib loogu soo doortay magaalada Minneapolis golahooda deegaanka.

Cabdi Warsame oo ah shaqsigii u horreeyay oo muslim ah isla markaana ah Soomaali oo noqdo guddoomiye degmo ayaa goobtaasi ka dhex-muuqday, isagoo ku labisan shaal iyo koofiyad Somaali. culummaa’uddiinka gobolka Minnesota oo marti qaad ka halay Cabdi Warsame ayaa iyaguna goobta ku sugnaa.

Culummada goobta ku sugnaa waxaa ka mid ah, Sheekh C/raxman Shariif imaamka masjid Darul Hijra, Sheekh Cabdiqani Qardhaawi, Imaamka masjid Shaafici iyo xubno firfircoon eoo jaaliyadda Soomaaliyeed ka mid ah sida Cabdirisaaq Biixi iyo madaxa isku-tagga jaaliyadda Soomaaliyeed, Maxamud Nuur.

Mudane Cabdi Warsme oo calanka Soomaaliya ee buluugga ah mid ka mid ah gacmihiisa ku haystay oo la hadlay HOL ayaa mahadnaqay dadwaynaha doortay isla markaana sharraxay qorshahiisa afarta sano ee soo socoto, wuxuuna xusay inuu xoogga saari doono ammaanka, shaqo abuuris uu u sameynayo dadka degmada uu xukumo ku nool iyo horumarinta deegaanka.

Sheekh C/qani Qardhawi oo ka mid ah culumaa’uddiinka Minneapolis ugu waaweyn oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Labiska uu soo xirtay Cabdi Warsame ayaa farriin u diraya siyaasiyiinta Somaalida inay maqaam sare gaari karaan iyagoo aan ka tagayn dhaqankooda.”

Guddoomiyayaasha degmooyinka Minneapolis ayaa isla maanta u fadhiistay kala fadhiggii ugu horreeyey sannadkan 2014-ka, iyagoona madaxweyne u doortay, marwo Barb Johnson oo laga soo doorto xaafadda afaraad ee magaalada Minneapolis.








Siyad Said Salah
[email protected]
Minneapolis, Minnesota