4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Gacan hadal Maanta dhexmaray Mas’uuliyiinta Magaalada Boorame

Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa maanta ka dhacay gacan ku hadal dhexmaray guddoomiyaha degmada Boorame, Saleebaan Xasan Xaddi iyo ku xigeenkiisa, Maxamed Faarax Dheereyste iyadoo aanay jirin dhaawacyo ay isku geysteen.

Lama oga waxa sababay gacan ka hadalkooda, balse waxay dad goob-joog ahi sheegeen inay labada ma’suul isku af-dhaafeen sida loo maamulayo kaalin shidaal oo laga dhisay Boorama, taasoo waraaqaha uu u saxiixay maayar ku xigeenka Boorama, isla markaana uu dhismahii loo sharciyeeyay ee loo dhisay kaalintaas lagu dumiyay maalintii shalay ahayd amar kasoo baxay guddoomiyaha.

“Xafiiska guddoomiyaha waxaa soo galay guddoomiye ku xigeenka wuxuuna la hadlay guddoomiyaha, maayarkuna wuxuu diiday inuu wax ka qabto howshii uu u socday. Qaddar kaddibna wadaxy is-dhaafsadeen hadallo u badnaa af-lagaaddo, gacan ka hadal aan badnayn ayaana dhex-maray,” ayay yiraahadeen xubno ku dhow maamulka sare ee degmada Boorame.

Falkan ayaa waxaa qaar ka mid ah xildhibaannada deegaanka Boorama, waxayna sheegeen inay tani sharaf dhac ku tahay hannaanka dawladnimo iyo sharafta xildhibaannimo ee ay xilka ku fadhiyaan labada mas’uul ee is-gacan dhaafay.

“Waan ka fariisan doonnaa, waxaana kasoo saari doonnaa go’aanno dhinaca anshaxa ah oo culus. Waa arrin waji-gabax ku ah xildhibaannadii la doortay oo aanan loo dulqaadan karin,” ayuu yiri xildhibaan ka hadlay arrintan.

Sidoo kale, dadwaynaha magaalada Boorama oo arrintan u arkayay mid aan wanaagsanayn oo fadeexd ku ah mas’uuliyiinta degmada iyo xildhibaannada lasoo doortay.

Ugu dambeyn, shacabka ayaa waxay sheegeen inay wasaaradda arrimaha gudaha u dirayaan fariin ah in loo baahan yahay in dhallinyarada ay kala qabtaan oo ay u sameeyaan xeer iyo xakame kala haya, maadaama ay dhallin yihiin oo ay ku yar tahay wax xeerinta.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia