4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Garsoorayaal cusub oo loo Magacaabay Somalia iyo kuwo kale oo...

Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay magacyada garsoorayaal  Soomaali ah oo  ururkaas ka sii mid ahaanaya sanadaha soo socda ,waxaana jira kuwa kale oo laga saaray xubinimada ururkaas ,iyadoo  la eegayo shaqada adag ee hortaalla.

Wajiyada cusub ee lagu soo daray liiska ay soo saartay FIFA  oo ay ku jiraan cawiyayaal  heer caalami ah waxaa kamid ah Maxamed X. Xasan, Maxamed Muuse Cabdullahi, Aweys Cabdullahi Sheekh  iyo waliba Cali  Maxamuud Mahad.

Bashiir Colaad Carab oo isna horey u ahaa caawiye heer caalami ah ayaa  laga dhigay garsoore  joogta ah ,waxaana isku shaandhayntan cusub ay ku soo beegmaysa iyadoo sanadkan dhexdiisa wadanka Brazil lagu qaban doono koobka adduunka oo wadamo badan ay ka soo qayb-gali doonaan.

Liiska laga saaray shaqada FIFA waxaa ku jira goorsarayaal horey u soo qabtay  shaqooyin kala duwan waxaana kamid ah Nuur Maxamed Cabdulle (Rooso) ,Aweys Cabdullahi Nuur, Osman Cabdi Cumar (Shuriye) iyo Maxamed  Xassan Fiidow.

“Waxa kaliya een dhihi karno ayaa ah in ay ahaayeen garsoorayaal wanaagsan marka loo eego xirafaddooda gudaha  dalka iyo waliba tan heer caalami ,markasta annaga waan u mahad-celinaynaa “ayaa lagu yiri war ka soo baxay   xafiiska hormarinta garsoorayaasha Soomaaliya.

Guddomiyaha xafiiskaas oo lagu magacaabo Cabdi Cabdulle Axmed ayaa xusay in liiska cusub ee lagu soo daray shaqada FIFA ay u badan yihiin dhallinyaro horey  garsoorayaal uga soo noqday  horyaalka Soomaaliya, isla markaana  ay aqoon durugsan u leeyahaiin howshan loo dhiibay.

“In badan oo aqoon ah ayey ka soo kororsadeen garsoorayaashan da’da yar tababarro loogu qabtay wadanka Jabuuti sanadkii 2012-ka, waana hubnaa in ay ka soo bixi karaan masuuliyaddan cusub”ayaa mar kale lagu xusay warka ka soo baxay SSF.

Waa markii ugu horeysay oo tiro intaa le ‘eg loo magacaabo  shaqada FIFA tan iyo bur-burkii dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaana arintan loo arkaa mid kamid ah horrumarada dhinaca isboortiska ee Somaaliya ay ku tallaabsatay sanadahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]