4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Dibadbax lagu Taageeray Howlaha Turkiga ee Muqdisho (SAWIRRO)



Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo howlaha ay dowladda Turkigu kawaddo Muqdisho ayaa maanta la qabtay, iyadoo ay ka qaybgaleen ma’suuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyhinka gobolka.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in isku soo baxan uu yahay mid lagu muujinayo taageerada loo hayo walaalaha Turkig iyo howlaha ay ka wadaan Muqdisho.

Guddoomiyeyaashaya degmooyihnka gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii kasoo qaybgalay dibadbaxa, iyadoo dibadbaxan uu ka dhacay fagaare weyn oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Axmed Meyre Makaraan oo ah guddoomiyaha degmada waaberi oo magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ku hadlay ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay isugu soo baxeen tageeridda dowladda Turkiga oo mashaariic horumarineed ka fulisay degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo ka hadashay dibadbaxa ayaa sheegtay in shacabka Muqdisho ay taageero aad u weyn u hayaan walaalaha Turkiga, waxayna tixo gabay ah kusoo bandhigtay aragtideeda ku aaddan howlaha ay hay’adha Turkigu ka wadaan Muqdisho.

Xoghayaha guud ee maamulka gobalka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ujeeddada dibadbaxa uu yahay sidii ay shacabka u muujin lahaa taageerada ay u hayaan Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Banaadir ee dhanka ammaanka, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo isaguna hadlay ayaa shacabka Muqdisho ka codsaday inay gacan ka geystaan xoojinta ammaanka, isla markaana ay ka qayb-qataan horumarka iyo nabadda uu dalka ku talaabsanayo.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Tarsan oo hadal ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegy in howlaha hay’adaha Turkiga ay Muqdisho ka wadaan ay yihiin kuwo horumarineed, isagoo tilmaamay inay dhiseen iskuuulo ku yaalla Muqdisho iyo waddooyin muhiim ah ayna weli wadaan dhismaha goobo kale oo muhiim ah.

“Dibadbaxan wuxuu ka tarjumayaa sida shacabka Soomaaliyeed ee ay ula dhacsan yihiin howlaha ay dowladda Turkiga kawaddo dalka, gaar ahaan degmooyinka gobolka Banaadir,” ayuu yiri Tarsan oo sheegay inay si aad ah uga mahadcelinayaan Turkiga taageeradooda walaanimo ee ay Soomaaliya ka wadaan.








Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya