4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Madaxweynaha Somalia oo guul ku tilmaamay Doorashada Puntland
Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Puntland horumar lagu tallaabsaday, una rajeeyay in doorashada madaxweynaha Puntland ee berri dhacaysa ay noqoto mid sii xoojisa horumarka iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya.

“Aad baan u soo dhoweynaynaa in doorashooyinkii Puntland ay marayaan marxaladdii ugu dambeysey oo maalinta berri ah xildhibaanada Puntland ay dooran doonaan shaqsigii noqon lahaa madaxweynaha Puntland shanta sano ee soo socoto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiriL “Waxaan u hambalyo u dirayaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Saciid Xasan Shire iyo ku xigeennadiisa oo xilalka loo doortay afartii bishan Jannaayo. Baarlamaanku mas’uuliyad weyn ayuu muujiyay, wayna ku ammaanan yihiin sidii quruxda badnayd ee doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay u maareeyeen, tanoo kalsooni buuxda siisay shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa ku guubaabiyay baarlamanka Puntland inay in maalinta berri ah ay tahay maalin taariikhi ah loogana baahan yahay in baarlamaanku uu si habsami leh u guto waajibaadkiisa, isagoo xusay inay rajeynayaan in natiijo wanaagsan ay kasoo baxdo, isla markaasna ay dooran doonaan shaqsiga noqonaya madaxweynaha Puntland.

“Waxaan ammaan gaar ah u soo jeedinayaa odayaasha dhaqanka Puntland oo soo xulay xubnaha baarlamaanka iyo sida maamulka Puntland ay uga dhabeeyeen in doorashooyinka waqtigoodii ay ku dhacaan.
Sidoo kale waxaan u mahad-celinayaa dhammaan musharixiinta xilka madaxweynenimo oo la’aantood aysan suuro-gal noqon lahayn in si dimuqraadiyad ah ay baarlamaanka u doortaan madaxweynaha Puntland. Sidoo kale guddiga doorashooyinka oo waajibkooda si xilkasnimo leh u gutay. Waxaan iyagana la illoobi karin kaalinta hay’adaha amniga Puntland ay ka qaateen inay sugaan amniga iyo xasiloonida Puntland,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Ugu danbeyn, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in musharaxiinta xilka u tartamaya ay saaran tahay mas’uuliyad gaar ah, isagoo xusay guul weyn u rajeynayo shaqsigii ku guuleysta doorashada, wuxuuna sheegay inay guul u tahay dhammaan musharaxiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.

“Waxaan soo jeedinayaa in go’aanka doorashada lana soo dhaweeyo cidda loo doorto xilka, isla markaana lala shaqeeyo laguna garab-galo xilka culus ee dusha loo saaray,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya