4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Khilaaf soo dhexgalay Mas'uuliyiinta Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye

Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa mar kale waxa ka dilaacay khilaaf ku salaysan cidda awoodda u leh inay maamusho shirweynaha saddexaad oo dabayaaqaadeedda bishan qabsoomi doona.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici qoraal uu ugu yeedhayo guddida fulinta ee xisbiga si ay uga arrinsadaan shirweynaha xisbigaasi, haseyeeshee waxa arrintaasi si weyn uga cadhooday hogaanka sare ee xisbigaas oo ku tilmaamay qalalaase ay xukuumaddu dabadda ka riixayso.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE, ayaa ganafka ku dhuftay qoraalkii ka soo baxay madaxweyne ku xigeenka ee uu iskugu yeedhay guddida fulinta oo uu sheegay in aanay awood u lahayn inuu gudidda fulinta iskugu yeedho. Guddoomiye ku xigeenka kowaad Maxamed Kaahin Axmed oo soo saaray qoraal uu ku bayaaminayo inay khalad ahayd yeedhymadaasi uu madaxweyne ku xigeenku dalbaday.

“Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Maxamed Kaahin.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga Qabanqaabadu si madaxbannaan u fuliyeen hawlihii loo diray, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu ay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha ayaa xusay in Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga ay isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

“Warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga. arintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore”ayuu hadalkiisa raaciyey Maxamed Kaahin oo ah ku xigeenka xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu habeen hore soo saaray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Gurigiisa Magaalada Hargeysa isugu yeedhay Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye, isagoo xusay in lagaga hadlayo hawlaha xisbiga iyo qabanqaabadda shirweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne ku xigeenka oo ay xulufo yihiin wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale oo dagaal siyaasadeed ka dhexeeyo gudoomiyaha xisbiga Muuse Biixi ayaa guddidii fulinta ee xisbiga laba u kala qaybiyey, iyadoo qaybna raacsan tahay madaxweyne ku xigeenka, halka qayb kalana taageersan tahay gudoomiyaha xisbigaasi.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay in kulankii uu la yeeshay qaar ka mid ah guddida fulinta ku wargeliyey qaabka hawsha loo waddo, waxanay ku balameen in madaxweynaha loo diro guddi ka dhaadhicisa sida ay hawshu u qorshaynayaan iyo ujeedada kulankan.

Xisbiga Kulmiye ayaa ka duwan labadda xisbi ee kale, waxaana xisbigan ku bahoobay siyaasiyiinta ugu waaweyn Somaliland oo mid waliba deegaanka uu ka soo jeedo awood ku leh, taas ayaana keentay in mid waliba siduu doono u maamulo danaha xisbiga, halka xisbiyada kale awoodda u badan leeyiihiin gudoomiyeyaashooda oo iyagu xisbiga samaystay, taas oo ka talinta iyo hawlaha xisbiga u daba fadhiistaan gudoomiyeyaashoodda, inkastoo xisbiga kulmiye Laftiisa marka dhinacyada siyaasada isku hayaan is mari waayaan uu soo dhexgalo madaxweynaha oo ka tallo bixiya hawlaha xisbiga, madaama oo isagu ahaa aasaasihii xisbiga, waxaanu khilaafka xisbiga u diray dhawr wasiir si ay u xaliyaan khilaafka xisbiga .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland