4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Murashaxiinta Puntland oo khudbado u Jeedinaya Xildhibaannada


Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka socda khudbadaha ay murashaxiinta u tagan xilka madaxweynenimo ee Puntland ay u jeedinayaan xildhibaannada golaha.

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee khudbada jeedinaya ayaa waxay tiradoodu tahay 11 murashax, iyadoo sidoo kalena lagu wado inay markaas kaddib iyaguna khudbadahooda jeediyaan 10-murashax oo iyagana u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Amniga aad ayaa loo adkeeyey, iyadoo xarunta baarlamaanka dhexdeeda 10 goobood oo kala duwan lagu baarayo dadka galaya. Goobta waxaa ku sugan isimada soo jireenka ah ee Puntlnd, qurbe-joog, aqoonyahanno, culummo iyo warbaahinta maxalliga ah iyo midda caalamiga ah.

Berri oo ku beegan Arbaco ayna bishan Jannaayo ku beegan tahay sideeedda ayaa lagu wadaa inay magaalada Garoowe oo xarun u ah Puntland ka billabto doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya