4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 7 , 2014
Soomaali laga soo qaadayo Magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan
Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu ka badan tahay boqol ruux ayaa lagu wadaa in markii labaad maanta laga soo qaado dalka Koonfurta Suudaan oo ay weli ka socdaan dagaallo u dhexeeya xukuumadda dalkaas iyo kooxaha mucaaradka ah.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxay diyaarad ay kireystay dowladda Soomaaliya kasoo qaadi doontaa magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan, waxayna isugu jiraan kuwo laga keenay magaalada ay dagaalladu k socdaan ee Bor iyo kuwo laga diiwaan-geliyay magaalada Jubba.

Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, Shaafici Nuur Calas ayaa sheegay inay diyaariyeen dhallinyarada doonaya iny dib ugu laabtaan dalkood, ayna sugayaan oo keliya diyaaraddii qaadi lahayd.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaaraddii soo qaadi lahayd saakay ka dirtay magaalada Muqdisho ee xarunt Soomaaliya. Waxaana ay noqonayaa kooxdii labaad oo dowladdu ay ksoo qaaddo dalka Koonfurta Suudaan.

Magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay lasoo gaarsiinayay Soomaali laga keenay qaybo ka mid ah gobollada dalkaas oo ay dagaallo la socdaan.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maanta laga soo qaadayo magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegay inay ka mid ahaayeen Soomaalidii hantidooda lagu dhacay magaalada Bor ee gobolka Jangolie halkaasoo ay weli gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah.

Soomaali badan ayaa weli iska jooga dalkaas, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay inay soo qaadayso oo keliya dadka doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan, laakiinse aysan jirin cid ay qasbayso.

Dalka Koonfurta Sudan oo ay colaado ka qarxeen bartamihii bishii December ee sannadkii hore ayaa waxaa weli gobollada dalkaas ka socda dagaallo aad u culus oo u dhexeeya xukuumadda dalkaas iyo mucaaradka ka amar qaata madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya