Talaado, Janaayo 07, 2014 (HOL) — Haweeney ayaa la sheegay inay xalay toogasho ku dishay sarkaal ka tisran ha’yadda nabadsugidda Qaranka oo ay xaaskiisa ahayd, kaddib markii uu muran xooggn soo dhexgalay.
Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Cadde ayaa waxaa la sheegay in xaaskiisu ay toogatay kaddib markii uu seexday, iyadoo haweeneyda oo ay gacanta ku hayaan ciidamada booliiska su’aalo laga weydiinayo sababtii keentay inay disho saygeeda.
“Toogshada sarkaalku waxay ka dhacday degmada Waaberi, haweeneyda dilka geystay waxay ahayd xaaska sarkaalka dhintay oo lagu magacaabi jiray Cadde, waxayna ku toogatay qori AK-47 ah oo guriga yaallay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.
Goobjoogaha ayaa sheegay in sarkaalka uu ku geeriyooday isla sariirtii uu jiiray, sidoo kalaena haweeneydii ay gacanta ku dhigeen ciidamada booliiska degmada Waaberi oo goobta soo gaaray.
“Haweeneydii waxay ku xiran tahay saldhigga booliiska degmada Waaberi halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo,” ayuu yiri ruux ehel la ahaa sarkaalka la dilay, kaasoo sheegay in sarkaalka maanta lagu aasayo Muqdisho.
Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho ka dhaca, iyadoo aysan horay u dhicin dil ay u geystay haweeney xaas u ahayd sarkaal sare oo dowladda ka tirsan.
Ma jiro hadal ku saabsan arrintan oo kasoo baxay hay’adda nabadsugidda Qaranka oo uu sarkaalku ka tirsanaa, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay shalay maxkamadda ciidamadu dil ku fulisay askari horay u dilay qof rayid ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Haweeney Toogatay Sarkaal ka Tirsanaa Nabad-sugidda Soomaaliya
More News
- Mas'uuliyiinta Gobolka Minnesota oo Maanta la dhaariyay (SAWIRRO)
- Gacan hadal Maanta dhexmaray Mas’uuliyiinta Magaalada Boorame
- Nuxurka khudbadihii murashaxiinta Puntland ee maanta (SAWIRRO)
- Garsoorayaal cusub oo loo Magacaabay Somalia iyo kuwo kale oo...
- Dibadbax lagu Taageeray Howlaha Turkiga ee Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Somalia oo guul ku tilmaamay Doorashada Puntland
- JAWAARI: “Waa inaan xafiisyo ku yeelanaa Gobollada Soomaaliya”
- Khilaaf soo dhexgalay Mas'uuliyiinta Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye
- Murashaxiinta Puntland oo khudbado u Jeedinaya Xildhibaannada
- Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo dayactir lagu wado (SAWIRRO)
- Soomaali laga soo qaadayo Magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan
- Gaadiid ay Somali leedahay oo ku xayiran xadka K/Sudan & Itoobiya