4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Madaxweynaha Somalia oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey oo bishii December ee sannadkii hore loo magacaabay xilkan cusub.

Danjire Afeey oo si weyn loo yaqaano isla markaana aad u fahamsan xaalka dalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta madaxtooyada kusoo booqdo madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana u ballan-qaado sida ay uga go'an tahay inuu dowladda Somalia kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey danjire Afeey xilkan cusub, isla markaana sheegey in IGAD iyo dowladda Soomaaliya ay wax badan kasoo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.

Socdaalka Afeey ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo magaalada Muqdisho uu ku yimaado tan iyo markii xilkan loo magacaabay, iyadoo la sheegay inuu ku shaqeyn doono magaalada Muqdisho.

Urur-goboleedka IGAD ayaa si dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya, iyadoo la xusuusto inuu qayb ka ahaa dajinta qorshihii tubta nabadda ee ay Soomaaliya kaga baxday xilligii KMG ahaa iyo heshiiskii dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku dhexmaray Addis Ababa bishii Ogoosto ee sannadkii hore.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya