4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Labo murashax oo u tanaasulay Murashax Cali Xaaji (SAWIRRO)

Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Waxaa soo badaneysa tirada murashaxiinta sheegay in aysan ka qayb geli doonin doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maalin kadib ka dhici doonta magaalada Garoowe.

Labo murashax oo kamid ahaa murashaxiintii horay u shaaciyey inay u taagan yihiin xilka madaxweynaha, ayaa goor dhow magaalada Garoowe ka sheegay in ay tartanka ka baxeen, islamarkaana ay u tanaasuleen Murashax Cali Xaaji Warsame.

Murashax C/laahi Muuse Aw-cali (C/laahi Dheere) ayaa shir-saxaafadeed oo maanta ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo Murashax Cali Xaaji Warsame, wuxuu kaga dhawaaqay in uu tartanka doorashada ka baxay, maanta laga bilaabana uu taageere u yahay Murashax Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji oo isna goobta ka hadlay, ayaa si aad ah ugu mahad celiyey C/laahi Muuse Aw-cali (C/laahi Dheere), wuxuuna tilmaamay in C/laahi Dheere uu dareemay sida ay muhiim u tahay in dhallinyarada fursad la siiyo, taasina ay tahay sababta ku kalliftay inuu isaga u tanaasulo.

Musharax Cali Xaaji Cabdule (Dhagoole) oo isna gurigiisa warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu doorashada ka baxo, isagoo xusay inuu u tanaasulay Murashax Cali Xaaji Warsame.

Sababta uu Murashax Cali Xaaji Warsame ugu tanaasulay mar uu ka hadlayey wuxuu sheegay in Cali Xaaji uu yahay nin dhallinyaro ah, aqoon leh islamarkaana u qalma inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Puntland.

Tirada murashaxiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha ee maamulka Puntland ayaa ahayd 23 murashax, waxaase xusid mudan in qaar badan oo kamid ahi ay tanaasuleen.

Lix murashax ayaa la saadaalinayaa in ay tartanka doorashada isugu soo hari doonaan, kuwaas oo kala ah: madaxweynaha xilka haya C/raxmaan Faroole, C/weli Gaas, Cali Warsame, Shire Faarax iyo Maxamed C/nuur.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya