4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
TARSAN: “Al-shabaab dambe kama dhoofayo Garoonka Muqdisho”

Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay inay dhammaantay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab, xaaskiisa iyo carruurtiisu ay ka dhoofaan Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in bixinta aqoonsiyada kala duwan ee muwaadinta Soomaaliyeed ay qayb ka tahay qorshayaal lagu sugayo ammaanka guud ee  dalka, laguna xaqiijinayo qofka.

“Waxaan arrintan u sameysay si aan ku ogaanno xaasaska, caruurta iyo hoggaamiyeyaasha Al-shabaab oo iyagoo aan la ogeyn ka dhoofi jiray groonka diyaaradaha Muqdisho,” yiri Tarsan ku yiri wareysigiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sii hadlayay ayaa sheegay in goob walba oo laga dhoofo ama laga qaato warqadaha sharciga ah sida baasaboorka la dhigay kambiyuutarro laga heli karo warbixinta qofka oo dhameystiran.

“Haddii qof uu soo goosto baasaboor, kambiyuutarradu waxay aqbali karaan oo keliya farahii qofkaas uu markii hore saaray, haddii qof kale uu farahiisa saaro kambiyuutarku wuu diidayaa, mana ahan wax la been abuuri karo,” ayuu Tarsan hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in haddii qof ka tirsan Al-shabaab ay helaan ay ka qaadi doonaan dhiigga DNA-da loo yaqaan ee qofka jinsigiis lagu ogaado, taasoo uu xusay inay qayb ka tahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka dalka.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli dhawaan la furay xafiis laga qaato warqadaha aqoonsiga ee dhalashada, sugnaanta iyo caddeynta Soomaalinimada qofka, iyadoo la sheegay in ciddii aan haysan warqadahan aysan qaadan karin baasaboor.

Ugu dambeyn, hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa imaanaya iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka cabanayaan inay dhibaato ku qabaan qaadashada warqadaha aqoonsiga, maadaama hal xafiis oo keliya lag qaadanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya