4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 6 , 2014
Askari ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah lagu fuliyay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 06, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay askari ka tisrnaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, Maslax Ciise Iimaan.

Askarigan xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa horay loogu xukumay dil kaddib markii lagu helay inuu degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ku dilay qof shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, askariga ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha degmada Howlwadaag, iyadoo xukunka dilka ah ay fuliyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo si raac-raac ah oo safay.

Xukunka dilka ah oo ka dhacay barxadda iskoolka booliiska ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada iyo saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya.

“Askarigan dilka la toogtay wuxuu ka mid ahaa askar horay ay maxkamaddu xukunno dil ah ugu ridday, waxaana askarigan uu horay u dilay qof rayid ah, xukunkiisii kaddibna maanta ayay noo suuro-gashay inaan xukunka dilka ah ku fulinnay,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dilka kaddib la hadlay warbaahinta.

Col. Liibaan Cali Yaroow oo sii hadlayay ayaa sheegay in askari walba oo dil u geysta dad shacab ah iyo cid walba oo dil geysata ay mudan doonto xukun kan la mid ah, isagoo xusay in askar badan oo dilal ku xukuman dhawaan ay ku fulin doonaan xukunnada dilka ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkaadda ciidamada qalabka sid ay dil toogasho ku fuliso askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu helay inay dilal geysteen, iyadoo sannadkii hore askar badan lagu fuliyay xukunno dil ah oo horay loogu xukumay.

Askarigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo sannadkan 2014-ka lagu fuliyo xukun dil ah, iyadoo xabsiga dhexe ee Muqdisho ay ku jiraan tiro askar iyo shacab ah oo hora loogu xukumay dil toogasho.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya