1/26/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 31, 2014
Dibadbax looga Horjeedo Itoobiya oo ka dhacay Baraawe (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 31, 2014 (HOL) —Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa maanta ka dhacay bannaanbax aad u ballaaran oo ay ka qayb-galeen kumannaan ruux oo dadka deegaanka ah, mas’uuliyiinta Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, culummmo, odayaal iyo wax-garad.

Isku-soo-baxa ayaa ahaa mid looga horjeedo ciidamada Itoobiya oo maalmo ka hor ku biiray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo banbaanbaxii maanta lagu gubay calammada, Kenya, Itoobiya, Mareykanka iyo Israa’iil.

Dibadbaxa ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo Al-shabaab wakiil uga ah gobolka Shabeellada Hoose, Sheekh Jaamac C/salaam, Sheekh Xasan Takar, nabaddoon Guuleed iyo dad kale oo kala duwan kuwaasoo dhamaantood dadka ugu baaqay inay meel kaga soo jeestaan gumaysiga.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Itoobiya waxay doonaysaa inay Soomaaliya u jar-jarto dowladda yar-yar, waxaana dabada ka riixaya dalalka Yuhuudda iyo Mareykanka oo cadowga Islaamka ah,” ayay yiraahdeen xubnihii dibadbaxa ka hadlay.

Shacabkii ka qaybgalay dibadbaxa ayaa ku dhawaaqayay takbiirta iyagoo ku soo maray socod xaafadaha kala duwan ee degmada Baraawe oo ah xarunta weyn ee Al-shabaab ay ku leedahay koonfurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in Itoobiya ay horay ugu jabtay Somalia, haddana ay mar kale ku jabi doonto, waxaana boorarka ay dadka wateen ka mid ahaa mid ay ku qoran tahay Somalia waa qubuurihii Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya