4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Askar ka tirsan booliska Masar

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa ku dilay maanta duleedka magaalada Qaahira ee xarunta Masar shan ka mid ah askarta booliiska dalkaas, iyagoo weerarka six un ugu dhaawacay laba askari oo kale.

Weerarka ayaa ka dhacay koontarool ay booliisku ku leeyeen magaalo lagu magacaabo Bani Suwayf, iyadoo ragga weerarka qaaday la sheegay inay wateen mootooyin, ayna goobta ka baxsadeen markii ay howlgalkooda soo gaba-gabeeyeen.

Booliiska ayaa sheegay inuu socdo baaritaan weyn oo lagu raadinayo kuwii geystay weerarka, iyadoo aaan la ogeyn cid ay ka tirsanaayeen iyo sabab ay u toogteen booliiska.

Ugu yaraan 250 askari ayaa lagu dilay dalka Masar tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii ugu horrey oo si dimuquraadi ah ay shacabka dalkaas kusoo doortaan, Maxamad Mursi.

Weerarka ayaa dhacay iyadoo loo diyaar-garoobayo xuska 25-ka Jannaayo oo ku beegan markii uu billowday kacdoonkii xukunka looga tuuray dowladii uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xusni Mubaarak.

Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa sheegay in ciidamada ay heegan u yihiin inay sugaan ammaanka xilliga la xusayo sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay kacdoonkii dalkaas ka dhacay.

Lix bilood ka hor ayay ciidamada militeriga xukunka ka tuureen Mursi kaddib dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeeda xukunkiisa ay ka dhaceen magaalada Qaahira iyo magaalooyin kale oo ku yaalla dalkaas.

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda ay militeriga taageeraan inay adeegsato awood xad-dhaaf ah si ay dadka u caburiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya