4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Hay'adda Hormuud Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Dayniile

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation ayaa maanta ugu deeqday isbitaalka Dayniile ee Muqdisho 30-fuusto oo shidaal ah si howlaha isbitaalka loogu sii wado.

Guddoomiye ku xigeenka hay’addan, Sheekh Cumar Salaad Faarax oo kula hadlay warbaahinta gudaha isbitaalka degmada Dayniile ayaa sheegay inay u taagan yihiin garab-istaagidda iyo u gar-gaaridda shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhibaateysa dalka gudihiisa.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay taageerada ay hay’addu siiso isbitaallada sida lacagta la’aan ah ugu shaqeeya bulshada Soomaaliyeed ee ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee isbitaalka Dayniile, Cabdulkhaaliq Cismaan Sheekh oo isna warbaahinta la hadlay ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyay hay’adda Hormuud Telecom Foundation deeqda maanta ay guddoonsiiyeen isbitaalka, isagoo hoosta ka xariiqay in daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ay u sameeyaan bukaanada yimaada isbitaalka.

Hay'adda Hormuud Foundation oo ah mid maxalli ah ayaa wadda howlo ay gargaar ah, kuwasoo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweeyeen, iyagoo ku tilmaamay mid dalku u baahan yahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya