4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Wafdiyo ka socda Jubba iyo Jabuuti oo gaaray Garoowe (SAWIRRO)


Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Wafdiyo ka socda maamulka KMG Jubba iyo dalka Jabuuti oo ay kala hoggaaminayaan madaxweynaha Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha diinta iyo dhaqanka Jabuuti, Xasan Aadan Xasan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Xubno uu ka mid ahaa madaxweyanha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin C/llaahi Cumar Camey ayaa wafdiyadan kaga hortagay garoonka diyaaradaha Garoowe, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugnaayeen dadweyne calamo iyo sawirro wata oo soo dhaweynta qayb ka ahaa.

Mas’uuliyiinta la socday madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cali Maxamed Geeddi, siyaasiga C/raxmaan Baadiyoow iyo xubno kale.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay madaxweynaha maamulka KMG Jubba, Sheekh Axmed Madoobe ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu yimaado Puntland tan iyo markii uu isbedelka dhinaca maamulka ah ka dhacay, sababta uu u yimid ay tahay inuu ka qaybgalo xafladda lagu caleemo saarayo madaxweynaha cusub ee Puntland

Wufuuddan ayaa waxay ka qaybgeli doonaan munaasabad maalinta berri ah lagu qaban doono magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taasoo lagu caleemo-saarayo C/weli Gaas oo 08-dii bishan ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee Puntland.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidammo fara badan lagu arkayo waddooyinka waaweyn ee magaaladaas, kuwaasoo baaritaanno ku sameynayay gaadiidka yaryar ee magaalada maraya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya