4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2014
Ciidanka dowladda oo ka baxay degmada Mahadaay iyo cabsi taagan

Khamiis, Janaayo 23, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isaga baxay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe iyadoo la sheegay inay xoogagga Al-shabaab qarka u saran yihiin degmadaas.

Dadka ku nool degmada Mahadaay ayaa cabsi weyn ka qaba inay mar kale gudaha u gasho degmadaas Al-shabaab oo toddobaadkii hore xilli habeen ah kala wareegtay ciidamada dowladda halkaasoo ay ku sugnaayeen muddo saacado ah.

Cabsidan ayaa sababtay inay degmadaas isaga tagaaan nabaddoonnadii iyo odayaashii degmadaas deggenaa, iyagoo ka baqdin qaba in la beegsado, waxaana goobjoogayaasha degmadaas ku sugan ay sheegayaan inay meel u degmada ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab.

“Shacabka ku nool degmada cabsi badan ayaa soo food-saartay waayo ma jirto askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan degmadaas, waana taas tan cabsida badan keentay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada gobolka ku sugan gobolka Shabeellada dhexe ayaa beeniyay inay ciidamada dowladdu ka baxeen degmadaas, isagoo sheegay inay ka go’an tahay inay Al-shabaab ka difaacaan degmada.

Mahadaay oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ayaa waxay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen sannadkii hore, iyadoo dadka deegaanku ay xaqiijinayaan inay ciidamada dowladda isaga baxeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya