4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 22, 2014
Madaxda Dowlada oo ku hanjabay inay cagta marinayaan Al-shabaab


Arbaco, Janaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra'iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxmed ayaa sheegay in dowladdooda ay ka go’an tahay inay Al-shabaab oo ka talisa deegaanno fara badan ay cagta marin doonaan kana saari doonaan dhammaan deegaanada ay ka taliso.

Warbixinta ayay ku sheegya inay dowladdodu ka go’an tahay inay howlo badan qabato inta lagu jiro sannadkan cusub 2014, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee dalka.

“Hadda waxaa na horyaalla howlo badan oo ay qayb ka tahay inaan dalka oo dhan gacanta dowlada kusoo celino. Howshaas waxaa ka mid ah sidii aan uga qalusi lahayn Al-shabaab; dalka oo dhanna uga saari lahayn,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in goobaha ay ka taliso Al-shabaab ay sida ugu dhaqso badan ugu soo celin doonaan gacanta dowlada; ayna gaarsiin doonaan adeegyada kala duwan ee dadweynuhu u baahan yihiin sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwo kale oo aasaasiga ah.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa isaguna sheegay inay hortaallo howl badan oo ay ka mid tahay sidii ammaanka dalka dib ugu soo celin lahaayeen, ayna uga adkaan lahaayeen Al-shabaab.

“Xukuumaddu waxay matashaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, uman dul-qaadanayno in dhibaato loo geysto shacabkeenn, waxaana ka shaqeyn doonaa sidii dalka uu horay ugu sii socon lahaa,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dowladdu ay loolan adag kula jirto Al-shabaab oo uu sheegay inay qaybo dalka ka mid ah gacanta ku hayso, ayna dadka ku nool deegaannadaas dhibaatooyin kala duwan ku hayso.

“Waxaa naga go’an inaan xoogga saarno sidii aan deggenaashaha dalka dib ugu soo celin lahayn, waayo shacabku waxay doonayaan nabad waana taas howsha ugu weyn ee hadda hortaalla xukuumaddeyda,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Hadalka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo la ansixiyay golaha wasiirada xukuumada ee ka kooban 55-xubnood maanta la dhaariyay, iyadoo xukuumaddu ay ballanqaaday inay la imaanayso wax-qabad ballaaran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya