4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
C/weli oo la hadlay baarlamaanka iyo Xukuumadda oo loo codeynayo


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa la hadlay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in haddii la meelmariyo xukuumadda uu soo dhisi doono ciidan gaaraya 28,000 oo askari oo isugu jira kuwa dhulka, cirka iyo badda.

C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sidoo kale sheegay inuu ku soo xulay xukuumaddiisa la tashiyo uu la sameeyay xildhibannada iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed, isgaoo intaa ku daray in haddii la ansixiyo ay ka wax ka qaban doonto dhinacyada ammaanka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

“Xukuumaddeyda waxaan kusoo dhisay wadatahiyo aan la yeeshay golaha baarlamaanka Soomaaliya iyo qaybaha bulshada Soomaliyeed, waxaana ku guuleystay inaan soo dhiso xukuumaddan maanta hortiinna fadhida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka dalbaday baarlamaanka Soomaaliya inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda uu soo dhisay, isagoo xusay inuu ku kalsoon yahay in golihiisa wasiirradu ay howlo badan qaban doonaan haddii ay kalsoonida helaan.

“Haddii xukuumadda aad kalsoonida siisaan waxay xoogga saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin, sugidda amniga, xasilinta dalka, siyaasad laga wada qaybgalo, dib u habeynta dastuurka dalka iyo dhisidda hay’adaha dowladda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Sidoo kale xukuumaddu waxay xoogga saari doontaa soo dhisidda ciidan tiradoodu gaarayso 28,000 oo askari oo 25,000 oo ka mid ah ay yihiin ciidanka lugta, 2,000 oo ah ciidanka badda iyo 1,000 askari oo ah ciidanka cirka.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia wuxuu xusay inay xukuumaddiisu ka shaqeyn doonto soo celinta deegaannada weli gacanta ugu jira Xarakada Al-shabaab, ayna xukuumaddu dajisay qorshayaal dhameystiran oo dalka looga saarayo kooxdan.

“Xukuumaddu waxay xoogga saari doontaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab, waxaana ka saari doonnaa deegaannada ay ku sugan yihiin, marka waxaan ka dalbanayaa xildhibaannada inay xukuumadda kasloonida siiyaan,” ayuu ku soo gaba-gabeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya hadalkii uu maanta u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka.

Intaas kaddib waxaa furmay kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa in laga doodo ajandaha xukuumadda si codka kalsoonida loogu qaado golaha wasiirrada isla maanta, iyadoo ay haatan socdaan khudbadihii ay xubnaha baarlamaanku jeedinayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya