4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
AMISOM oo qalab ugu deeqday baarlamanka Soomaaliya (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Xafiiska arrimaha siyaasadda ciidamada Midowaga Afrika ee AMISOM ayaa shalay oo Isniin ahayd ugu deeqay guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya kambiyuutarro isugu jiray kuwo waaweyn iyo kuwa yar-yar.

Deeqdan ayaa noqonaysa wajigii saddexaad qorshe ay AMISOM ku doonayso inay ku dhiso awoodda shaqo ee guddiyada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo horay siminnaaro ugu qabtay guddigan iyo guddiyo kale oo baarlamaanka ka tirsan.

Wareejinta deeqdan oo ka dhacday xarunta AMISOM ee Xalane ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anadiif, isagoo sheegay inay ka go’an tahay caawinta dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Kaalmadan waxay u sahlaysaa in guddigu si fudud howlihiisa ku qabsado, waa mid qayb ka qaadanaysa dib u dhiska iyo xoojinta howlaha guddigan,” ayuu yiri dajire Anaadiif.

Deeqdan ayaa waxaa lagu wareejiyay guddoomiyaha guddiga ammaanka iyo arrimaha gudaha baarlamaanka Soomaaliya, Fowsiyo Maxamed Sheekh, iyadoo goobta ka tiri: “Shacabka Soomalaiyee iyo dowladdooda waxay uga mahadcelinayaa AMISOM taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagan tahay. Waxaana diyaar u nahay inaan kala shaqeyno dib u dhiska Somalia iyo dib u soo celinta nabadda.”

Waa markii labaad oo AMISOM ay deeq noocan oo kale ku wreejiyaan guddiga iyadoo wajigii hore ee howshan oo sannadkii la qabtay siminnaar socday afar casho siiyay xubnaha guddigan iyo xildhibaanno baarlamaanka kuwaasoo tiradoodu gaaraysay 39-qof.

Bishii September ee sannadkii hore AMISOM waxay deeq ka koobnayd 45 kambiyuutarro, 45-shaahadood, kuraas iyo miisas ay ku wareejisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, AMISOM waxay sidoo kale tababarro siisay 160-qof oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, kuwaasoo lagu kala qabtay dalalka Rwanda, Liberia, Sierra Leone, Burundi iyo Uganda.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya