4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 21, 2014
Faysal Cali Waraabe: Ma Aqoonsanin Heshiiskii lagu saxiixay Turkiga


Talaado, Janaayo 21, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka mid ah asxaabta mucaaradka Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaysan aqoonsanayn heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Faysal Cali ayaa ugu baaqay dowladda Turkiga inay faraha kala baxdo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo xusay in wadhadallada dib loogu celiyo dalalka Britain, Norway iyo kuwo kale oo reer galbeed ah.

“Annagu haddaan UCID nahay ma aqoonsanin wixii kasoo baxay heshiiskii lagu gaaray Turkiga, waxaana u aragnaa mid jidkii uu ku socday laga weeciyay,” ayuu Faysal Waraabe ku yiri shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa hadalkiisa ku daray in waxyaabaha ay sida aadka ah ugu diiddan yihiin heshiiskaas ay ka mid tahay in la bedelay orahdii hore ee ahayd in Somaliland laga geystay xasuuq lagula bedelay in dadka la laayay oo keliya, arrintuna aysan sidaas ahayn, balse si cad oo aan gabasho lahayn loo laayay dadka reer Somaliland.

“Dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya iyo tii ka dhacday Somaliland in la simo aad ayaan uga xunnahay, kuwii heshiiskaas saxiixayna waxaan u arkaa inay yihiin kuwo khalad ka galay reer Somaliland. Waxaan kaloo khalad u arkaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland uu saxiixo heshiis ay ku qoran tahay inay isku mid yihiin dhibaatooyinkii ka kala dhacay Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu Faysal hadalkiisa ku daray.

Hoggaamiyaha UCID wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inaan xilligan loo baahnayn in dowladda Soomaaliya wadahadallo lala galo, maadaama uu sheegay inaysan aqoonsanayn gooni-isku-taagga Somaliland, nabadda iyo maamulka ka jira iyo Somaliland weliba in loo geystay xasuuq shacabka Somaliland.

Ugu dambeyn, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu ku talinayo in la joojiyo gabi ahaan wadahadallada lagula jiro dowladda Soomaaliya, isagoo ku daray hadalkiisa in Somaliland looga adkaaday heshiiskii lagu saxiixay Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya