4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Soomaaliya oo ka Qayb-gashay Shirkii Baarlamaannada Carabta


Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) —Magaalo madaxda dalka Kuwait ee Kuwait waxaa kusoo dhammaaday shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ay yeesheen baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkaas waxaa Soomaaliya -oo qayb ka ah Jaamacadda Carabta- uga qayb galay guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali oo isagu wakiil ka ahaa af-hayeenka baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Kulanka waxaa arrimihii layskula soo qaaday ugu muhiimsanaa: xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo is-kaashiga ka dhexeeya dalalka ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta.

Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday dalal dhowr ah oo qaarkood ay dagaallo sokeeye ka socdaan. Dalalka sida gaarka ah shirka diiradda loogu saaray waxaa kamid ahaa: Suuriya, Falastiin, Ciraaq iyo Soomaaliya.


Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali oo shirka khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, horumarrada jira iyo dhinacyada ay dowladda Soomaaliya u baahan tahay in laga taageero.

Mudane Cosoble ayaa dhanka kale uga mahad celiyey boqortooyada Kuwait taageerada ay siiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyey boqorka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Axmed Jaabir Al-sabaax.

Shirkan oo soconayey muddo labo maalmood ah waxaa isugu yimid xubno ka socdey baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya