4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid Culummada oo Kulmay


Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Kulan uu shir guddoomiye ka ahaa duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa ayaa lagu qabtay maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga hadlayay adkeynta ammaanka.

Majmaca Culummada Soomaaliyeed ayaa waxaa dhankooda hogaaminayay Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxayna soo dhaweeyeen kulanka amniga dalka looga tashanayo iyo barnaamijka qorsheynta magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa goobta ka sheegay in culummada Soomaaliyeed ay qayb weyn ka qaadan karaan xoojinta amniga iyo wacyi-gelinta dadweynaha xili uu ku howlan yahay maamulka gobolka Banaadir dadaallo lagu adkeynayo amniga guud ee caasiamdda Soomaaliya.

Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka maamulka gobolka, Maxamed Yuusuf Cismaan oo sheegay in kulammada wada-tashiyada horumarinta barnaamijka qorsheynta magaalada Muqdisho ay socon doonaan inta shacabka oo dhan ay kaga qancayaan.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya