4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Qaramada Midoobay oo Iiraan ku casuntay shirka Geneva II

Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ku casuntay dowladda Iiraan inay kasoo qayb gasho shirka Geneva II, shirkaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka -ay dagaallada sokeeye ka  soconayaan- ee Suuriya iyo weliba sidii dalkaas dowlad kumeel gaar ah loogu sameyn lahaa.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu casumaad u fidiyey Iiraan, islamarkaana wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Javad Zarif uu xaqiijiyey in Iiraan ay codsiga Qarmada Midoobay aqbashay.

Mucaaradka Suuriya ayaa sheki geliyey ka qayb galkooda shirka Geneva II, iyagoo u sababeeyey casumaadda Ban Ki-Moon uu u fidiyey xukuumadda Dahraan.

Mas’uuliyiin u hadlay mucaaradka Suuriya ayaa sheegay in Iiraan aysan xaq u lahayn inay kasoo qayb gasho shirka labo maalmood kaddib furmaya, ilaa iyo inta ay la baxayso dagaal-yahannada iyo khuburada ka joogta Suuriya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaa iyaduna ugu baaqday Qaramada Midoobay inay go’aankan ka laabato, tan iyo inta Iiraan ay si cad uu qeexeyso mowqifkeeda ku aaddan shirka Geneva II.

Haweenayda Af-hayeenka u ah wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Jen Psaki ayaa lagama maarmaan ku tilmaantay in si cad loo ogaado qorshaha Iiraan ee shirka, taas iyadoo ka hadlaysay waxay tiri:

"Tani waa mid Iiraan aanay horay u samaynin, waana arrin loo baahnaa hadda kahor inay dhacdo...haddii Iiraan aysan cod dheer ku sheegin inay aqbashay go'aammadii shirka Geneve I waa in laga laabto casumaadda loo fidiyey..."

Iiraan oo xulufo la ah maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya, kama qayb gelin shirkii Geneva I ee dhacay sanadkii 2012.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya