4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 20, 2014
Madaxweyne kumeel gaar ah oo loo dooranayo Afrikada Dhexe

Isniin, Janaayo 20, 2014 (HOL) — Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa maanta oo Isniin ah dooranaya madaxweyne si kumeel gaar ah dalkaas usii hoggaamiya, xilli ay sii soconayaan rabshadaha uu dhiigga badani ku daatay ee u dhexeeya dadka Muslimiinta ah iyo kuwa kale ee haysta diinta Kiristanka.

In ka badan 24 qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo horay dalkaas xilal kala duwan ugasoo qabtay ayaa isu soo taagay xilka madaxweynaha, haseyeeshee guddiga doorashada oo shuruudo adag la yimid ayaa guddoomay araajida siddeed murashax oo keliya.

Shuruudaha murashaxiinta lagu xiray waxaa kamid ah: in aanu isa soo sharrixi karin qof horay ula soo shaqeeyey madaxweynihii dhowaan xafiiska banneeyey ee Michel Djotodia, qof hoggaamiye u ah mid kamida axsaabta siyaasadeed ee dalkaas ka jirta, sarkaal ka tirsan ciidamada iyo qof jamhad fallaago ah ka tirsanaa labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Rabshadaha diinta ku saleysan ee ka soconaya Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 70 qof tan iyo Jimcihii lasoo dhaafay. Shalay oo Axad ahayd, waxaa goob fagaare ah iyaga oo nool lagu gubay labo nin oo muslimiin ahaa kuwaas oo dadka dabka qabadsiiyey ay sheegeen inay horay tagsiile kiristan aha u dileen.

Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana xilligan dalkaas ku sugan ciidammo nabad-ilaaliyeyaal ah oo ay tiradoodu shan kun kor u dhaafeyso, ciidamadaas oo ka kala socda dhowr dal oo Afrikaan ah iyo dalka Faransiiska oo isagu horay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe usoo gumeystay.

Midowga Yurub saraakiil u hadlay ayaa sheegay in wax ka qabashada xaaladda dalka Afrikada Dhexe aan lagu fiirsan doonin Faransiiska oo qura, balse dhowaan Midowga Yurub uusoo diri doono 500 oo askari, kuwaas oo si gaar ah u sugi doona ammaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Bangui.

Rabshadaha ka soconaya Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa soo bilowday bishii March ee sanadkii tegey, markaas oo fallaagada Seleka oo Muslimiin u badani ay soo galeen caasimadda Bangui, kaddibna ay geysteen falal isugu jirey dil, dhac iyo kufsi.

Arrintaas ayaana keentay in mileeshiyaad iskood isu abaabulay oo u badan bulshada kiristanka ahi ay iyaguna geystaan gabood-fallo ay sheegeen in ay yihiin kuwo ay ugu aar gudayaan dadka laga laayey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya